|
|
 |
 Isniin, 15.09.2003 - 10:17 Wakhtiga London
 |
Heshiis lagu gaaray shirka Soomaalida ee Mbagathi
|
Yusuf Hassan - BBCSomali.com
 Yusuf Hassan | Bayaan ka soo baxay maamulka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa waxaa uu sheegayaa in dhammaan hogaamiyeyaasha kooxaha ee ka qeyb galaya shirka ay ku heshiiyeen arrimihii ku xusnaa qodobka kow iyo tobanaad ee axdiga ay ka doodayeen.
 Shirka Soomaalida | Qodobkaas oo ka hadlayay arrimo ay ka mid yihiin, maamul goboleedyada, magaca ay yeelan doonto dowladda Soomaaliyeed ee la dhisayo iyo madaxbanaanida gobolada ayaa kooxuhu galabnimadii Sabtida ku heshiiyeen, in magaca Jamhuuriyada Soomaalya uu noqdo Dowladda Federaalka ee Ku meel gaarka ah, Goboladuna ay u midoobi karaan laba iyo wixii ka badan, iyadoo tilaabadaasina ay u dhacayso si ikhtiyaari ah, iyo In uu jiri doono gobolo u madaxbanaan maamulkooda iyo maamul degmooyinka.
Waxaa kale oo ku xusan bayaaanka in dowladda Federalka ku meel gaarka ah uu waajib ka saaran yahay in ay horumariso maamulada gobolada iyo degmooyinka iyadoo taasi ku xirnaan doonto sharciga iyo qoraalada gudiga sameeynaya Dastuurka Federaaliga ee lagu dhisayo Dowladda Federaaliga ee ku meel gaarka ah.
Bayaanka waxaa kale oo ku xusan in dowlad goboleedyada, gobolada iyo maamulada degmooyinka ay ka koobnaan doonaan dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.
Hogaamiyeyaashu waxaa kale oo ay ku heshiiyeen, sida qoraalka ku xusan, in lagu dhaqaaqo dib u heshiisiin iyo is cafin, isla markaana, si wada jir ah oo deg deg ah, looga shaqeeyo sidii axdigaan looga ansaxin lahaa ergooyinka ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
Inkasta oo aysan qoraalka ku xusneyn dadka heshiiska wada gaaray, haddana wararku waxay sheegayaan in ay heshiiska wada saxiixeen kooxo ka ka kala socoda garabyada SRRC, G8, Bushada Rayidka ah iyo Xassan Abshir oo sheegay in uu isagu uu matalayay dowladda Ku meel gaarka.
Warar kale oo shirka ku dhow dhowna waxaa ay sheegayaan in kooxahaasi ay ka wada hadlayaan sidii ay heshiis uga wada gaari lahaayeen qodob dhigaya in barlamaanka ay soo xulaan hogaamiye kooxeedyada iyagoo la tashanaya hogaamiye dhaqameedyada. Waxaana la isla dhexmarayaa in Isniinta laga yaabo in axdigaas lagu heshiiyay laga ansixiyo ergooyinka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|