|
|
 |
 Axad, 14.09.2003 - 10:43 Wakhtiga London
 |
Dhalinyaro Muslimiin ah oo ku shireysa Malaysia
|
Waxa Axadda maanta ah waddanka Malaysia ka furmaya shir weyne ay iskugu imaanyaan hogaamiyayaasha dhalinyarada Muslimka.
Mowduucyada shir weynahani looga hadli doono waa kuwa dhammaantood ay Malaysia ku fiicantahay oo quluubtooda ku dhow, waxayna kala yihiin Dulqqadka Diinta Islamku dadka fareyso, Waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha ee adduunka Islaamka.
Malaysia waxa ay isku aragataa in mowduucayadaas oo dhan ay u tahay miisaal lagu daydo. Shirkanina waxa uu qeyb ka yahay tallaabo ballaaran oo Malaysia ay ku riixeeyso soo bandhigista waxyaabaha ay dooneyso in Bulshada Islaamka ee Caalamiga ay ka hadlaan.
Waxa ay rajeeneysaa Malaysia in khibradda laga helo dhismaha qaran casri ah oo dhaqamo badan leh(sida keeda oo kale) uu soo jiito dadka ka soo qeybgalaya shirka lagu qaban doono caasamidda Malaysia ee Kuala Lumpur, kuwaas oo laga yaabo iney noqdaan madaxada Muslimiinta barito.
Ra'iisalwasaaraha Malaysia, Dr Mahathir Mohamed waxa uu rumeysanyahay in dhaqaale xoogan iyo aqoonta Teknoloojikada oo si fiican loo haleelo ay adduunka Islaamka u ogolaaneyso iney iska caabiyaan waxa uu u arko galaangalka aan la jecleen ee reer galbeedka.
Waana fariinta noocaas ah waxa loo maleenayo in lagu celsho markii bisha soo socota uu Ururka Islaamku ku kulmo Kuala Lumpur.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|