BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 14.09.2003 - 05:49 Wakhtiga London
Waddamada waaweyn oon weli Ciraaq ku heshiin
Qodobada sida weyn looga hadley waxa ka mid ah sidii Ciraaqiyiinta dib loogu celin lahaa madaxbannaanidooda.
Qodobada sida weyn looga hadley waxa ka mid ah sidii Ciraaqiyiinta dib loogu celin lahaa madaxbannaanidooda.

Wadahadalada Geneva ee looga hadlayey mustaqbalka Ciraaq ma dhalinin natiijooyinka ay dad badani rajeenayeen.

Rabshadaha iyo daganaasha la'aanta guud ee ka jirta Ciraaq ayaa wadahadaladan siiyey muhimad gaar ah. QM waxa ay dooneysaa heshiis deg deg loo gaaro oo gacan ka geysta in xasilooni lagu soo dabbaalo Ciraaq, islamarkaana abuura qaab-dhismeed awoodda shicibka reer Ciraaq gacantooda loogu celsho.

Laakiin ka dib markii la yeeshey afar saacadood oo wada hadallo ah, waxa iska cad inaan weli aan la gaarin ra'yi guud oo la isku raacsanyahay, taasoo gaarsiisey Kofi Annan inuu la rafto fasiraadda ujeedooyinka shirku uu ahaa gabi ahaanba.

Waxa uu Annan yiri, " wadahadalada maanta loogama dan laha, waan ku celinayaa ee loogama dan laha in la hindiso in lala yimaaddo xal gaar ah, ee waxa aan u shirney inaan la nimaadno fikrado wax ka tara dhisidda ra'yi guud oo la isku raacsan yahay oo ku aaddan mustaqbalka Ciraaq, kuwaas oo ay ku jiraan buu yiri doorka ay QM ku yeelaneyso Ciraaq. Laakiin su'aasha ku saabsan inta ay leekeeneyso weyninka doorka QM lagama hadlin.

Intii shirka Geneva abaabulkiisa lagu jirey waxa uu Wasiirka Arimaha Dibadda ee France uu soo jeedshey in bil gudaheed Ciraaq loogu dhiso dowlad ku meel gaar ah, arinkaas oo Xogahayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanku uu ku sheegey dhalanteed.

Markii dambe ee shirka la guda galey waxa uu Colin Powell yiri "si dhab ah ayaa u qaadanayaa dhmmaan faalooyinka aan ka helay saaxiibadeyda ku jira Golaha Ammaanka. Wuxuu yiri Powell, waa qasdiga Mareykanka in mar walba la dhageysto aaraa'da dadka kale soo qadimaan iyadoo annaguna aan ra'yigeenna u bandhigno kuwa kale.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.