| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 11.09.2003 - 10:19 Wakhtiga London
Axmed Kismaayo - BBCSomali.Com Madaxwayne ku xigeenka DGPL Max'ed Cabdi Xaashi ayaa maanta soo saaray qoraal rasmi ah oo uu ku burinayo amar shalay ka soo baxay guddoomiyaha maxkamadda Sare ee Ciidamada Puntland. Amarka shaley ka soo baxay Maxkamadda Sare waxa uu farayey in shaqo joojin iyo xabsi-guri lagu qaado Taliyaha guud ee ciidanka boliiska Puntland. Qoraalka uu soo saaray Max'ed Cabdi Xaashi waxa uu ku amrayaa gudoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada inuu ka noqdo go'aanka ku saabsan taliyaha ciidanka boliiska, waxa kaloo uu ku xusan qoraalkan in aan taliyaha boliiska shaqada laga fariisin Karin ilaa maxkamadda ciidanmadu ay dembiyo cad oo uu galay taliyaha boliiska soo hordhigto madaxtooyada maamulka Puntland. Sidoo kale warqadda M/wayne ku xigaha waxa ka muuqata in dhowr jeer oo hore uu guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada uu ka codsaday in shaqada laga joojiyo taliyaha ciidanka boliiska si maxkamadda sare ee ciidamadu kiis ugu soo oogto hase ahaatee Max'ed Cabdi Xaashi uu ku adkaystay in marka hore la soo hordhigo dembi cad oo uu galay taliya boliisku. Qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada Puntaland G/sare C/lahi Jaamac Gayre ayaa muujinaya inuu tixraacayo eedayn sida qoraalku sheegayo ka soo baxday maxkamadda darajada 1aad iyo xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida. Taasi ayaa dabadeed keentay in maxkamadda sare ee ciidamadu u aqoonsato taliyaha ciidaka boliisku inuu yahay eedaysane isla markana uu dhigayo xeerka ciqaabta ciidamada qalabka sida in shaqo ka joojin iyo xabsi guri lagu soo rogo inta maxkamad la horkeenayo, iyadoo shaqadii taliyaha ciidanka bolisku uu si ku meel gaar ah u sii wadayo ku xigeenkiisa. Qoraalka ka soo baxay maxkamadda sare ee ciidamadu kuma cadda eedaymaha sida gaarka ah loogu haysto taliyaha boliiska hase ahaatee waxa jira warar kale oo sheegaya inay eedaymahaasi la xiriiraan maamul xumo ku saabsan is-daba-marin xaga dhaqaalaha ah. Taliyaha ciidanka boliiska Puntland G/sare Xirsi Siciid Faarax oo aan isagana wax ka waydiyay qoraalka ka soo baxay maxkamadda sare ee ciidanka waxa uu sheegay in qoraalkaasi uusan ahayn mid sharciga waafaqsan. Xirsi Siciid waxa uu taas u cuskanayaa in shaqo ka fariisintiisa ama xabsi gurigu ay suuragal tahay kaliya marka maxkamadu ay madaxtoooyada hor dhigto eedaymo iyo dembiyo cad-cad oo lagu qanci karo kuna saabsan sababta keentay xabsi guriga ama shaqo ka joojinta. Mar aan wax ka waydiyay eedaymaha la xiriira maamul xumada xagga dhaqaalaha waxa uu sheegy taliyaha boliisku inuusan ogayn sababta keentay eedaymaha noocaas ah iyo halka ay salka ku hayaan,isla- markaana ciidanka boliisku uusan muddo 3-bilood ah qaadan wax mushaar ah haba yaraatee taasoo ay dawladduna ka war hayso waa sida uu hadalka u dhigaye. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |