BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Khamiis, 11.09.2003 - 06:00 Wakhtiga London
Al-Jazeera oo soo deysey sawiradii Bin Laden
Bin Laden kama aanu hadlin Video-gan cusub ee laga soo duubey.
Bin Laden kama aanu hadlin Video-gan cusub ee laga soo duubey.

Telefeshanka Carbeed ee Al-Jazeera ayaa soo daayey Video cusub oo xambaarsan muuqaalka Osama Bin Laden iyo ku xigeenkiisa Ayman al-Zawahiri.

Al-Jazeera oo saldhigiisu yahay Qatar ayaa sheegey in Videogan cusub loo maleenayo in laga soo qabtey Bin Laden bishii April ama May ee sanadkan, isagoo jooga "meelo buuraley ah oo aan la aqoonin".

Sawirka Televeshanka ka soo baxay waxa garabsaocdey hadal aan la soo deynin ninka hadlayey muuqaalkiisa, laakiin laba cajil oo kale oo maqal kaliya ah ayeey al-Jazeera soo deysey, kuwaas oo ay sheegtey iney ka heshey Bin Laden iyo ku xigeenkiisa oo bogaadiyey qaraxii 11 September loo geestey Mareykanka, isla markaana dadka reer Ciraaq ugu baaqey iney dhulkooda qabuure uga dhigaan Mareykanka.

Meeshii la doono ha lgu duubo filinkan cusub ee laga soo qaadey Bin Laden war xun ayuu u yahay reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka iyo Britain, iyadoo uu akhbaar wabnaagsan u noqonayo taageerayaasha al-Qaeda.

Videogani waa sawiraddii ugu horeeyey ee Bin Laden laga soo qabto tan iyo Decembertii 2001-da, laba bilood ka dib wakhtigii qaraxyadii September la geestey.

Videogan cusub waxa uu tusmeenayaa in Ben Laden iyo ku Xigeenkiisu Dr Ayman al-Zahrawi ay labaduba xoogaha da' ka muuqato, laakiin ineyba weli noolyihiin oo aan lahaynin ayaa waxa ay Bush ku tahay xasuus dhib badan oo tusmeeneysa in dagaalkii uu argagixisada ku qaadey laba sano ka hor uu wel qabyo yahay.

Vieoga al-Jazeera sawirada ay xaley sii deysey oo loo arkey iney ahaayeen labada hogaamiye ee al-Qaeda oo socda meel buuraley ah ayaa la maleenayaa in buurahaas ay ku yaallaan Afghanistan ama Pakistan. Khubarada al-Jazeera lagu wareystey ayaa sheegey in Video-gaas la duubey xiligii guga ee sandkan.

Waxa dadka oo dhan ka yaabineysa ayuu yiri qofka faaldan soo qorey, haddii uu Bin Laden uuba sugey wakhti dheer si uu u soo jeediyo war kan la mid ah, muxuu isagu uga hadli waayey cajilaka Videoga ah shkhsiyan? Waxa ay u egtahay in iminka aan lahaynin jawabta su'aashaas.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.