| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 09.09.2003 - 13:13 Wakhtiga London
Hassan Barise - BBCSomali.com
Kulankan oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay isku arkaan inta badan hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho iyo dowladda KMG ah ayaa maanta waxaa isugu yimid Cabdiqaasim Salaad Xasan, madaxweynaha dowladda KMG ah, Colonel Barre Hiiraale, guddoomiyaha isbahaysiga Dooxada Jubba iyo hoggaamiye kooxeedyada, Muuse Suudi Yalaxow, Cismaan Xasan Cali Caato, Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo rag kaloo badan. Kulankan oo ahaa mid si heer sarreysa loo soo agaasimay ayaa waxaa laga soo saaray qodobbo ku wajahan dowladda Kenya, Beesha Caalamka, Guddiga Farsamada ee IGAD iyo dhammaan ka qeybgelayaasha shirka Soomaalida ee Mbagathi, Kenya, waxaana qoraalkaasi lagu soo jeediyey in shirka Soomaalidu noqdo mid ay gacanta ku hayso ummadda Soomaaliyeed oo shir guddoonkiisa iyo xoghayntiisaba ay noqdaan dad Soomaaliyeed, iyadoo doorka IGAD-na lagu koobayo in ahaadaan oo keliya fududeeyaasha tas-hiilaadka looga baahan yahay shirka. Qodobbada waxaa kaloo ka mid ahaa in uu shirku noqdo mid loo dhan yahay si bey yiraahdeen la isula taabbageliyo waxa ka soo baxa, iyadoo fiiro gaar ahna la siinayo ka soo qeybgalka qeybaha weli shirka ka maqan. Waxaa muuqata in qodobkani loola jeedo dowladda la magac-baxday Somaliland, hase yeeshee afka uun laga dhowrtay. Waxaa kaloo lagu sheegay soo jeedimahaasi in la wajaho dib u heshiisiinta Soomaalida dhexdeeda ah, in Axdi qarameedka loo saaro khubaro Soomaaliyeed oo kaashanaya khubaro caalami ah iyo ugu dambayntii in la hakiyo shirka si waqti loogu helo dib u heshiisiinta, dhammaystirka qoraalka dastuurka iyo ka soo qeybgelidda qeybaha maqan. Heshiiskan maanta la soo saaray oo aanay jirin wax ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed ayaa hase yeeshee waxaa la dhihi karaa waxaa cusbaa is-aragga Cabdiqaasim Salaad Xasan, madaxweynaha dowladda KMG ah iyo hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow oo in badan oo hore la isugu dayey is-araggooda lagu guuldarreystay. Gunaanadka kulankan maantana waxa uu ahaa waxa ka soo baxay isugeynta qodobbada ay koox kasta goonnideeda u sheegi jirtay marka la weydiiyo dib ugu laabashadeeda shirka. Maanta ma jirin cid soo hadal qaadday in shirka lagu noqonayo iyo in kale. Saxiixeyaasha shirka qoraalkan waxaa kaloo la sheegay in ay ku jiraan Colonel Cabdirisaaq Isaaq Biixi iyo Axmed Cumar Jees oo labaduba wakiilnimo loogu saxiixay. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |