BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 07.09.2003 - 10:38 Wakhtiga London
Gaadiikii dadweynaha ee Muqdisho oo yaraadey

Xasan Bariise - BBCSomali.com

Xilli ay ka soo raynayo xaaladda ammaan ee Muqdisho ayaa misana waxaa si weyn ay dhibaato uga taagan tahay xagga gaadiidka dadweynaha ee dadka caadiga ah ay raacaan.

Waxa gaadiidku xumaadey kaddib markii uu sicirkii shidaalka cirka isku shareeray, taasoo qeybo badan oo nolosha ka mid ah saameyn ku yeeshey.

Qiimaha la siisto shidaalka ayaa beryahan Muqdisho waxa uu ka gaaray meel aanan hore loo arag, taasoo keentay in ay magaaladu siyaabo badan isugu cakiranto.

Tusaale ahaan meelaha ugu dar-daran ee cid kasta ay isha ku dhufanayso waa sida ay dadku u socdaan waddooyinka oo aad mooddo gaar ahaan meelaha suuqyada ku dhow-dhow in ay dadku isbartiibo ka soo bexeen, sababtoo ah waxaa gebi ahaanba in ay istaagaan qarka u saaran basaskii ku shaqeyn jiray naftada, kuwa yar ee soo harayna waxay labo ama saddex jibaareen lacagtii lagu raacayey.

Meeshii halkii socod lagu raacayey kun shilin waxa Sabtidii lagu raacayey saddex kun oo shilin, taasoo aanay dad badani awoodin, waase haddii xitaa la helo gaadiid tegaya meelaha weliba sii fog-fog.

Fuustadii shidaalka naftada ah ee hore u ahayd US $ 54 doollar ayaa maanta la siisanayaa ilaa 120 doollar iyo in ka badan, taasoo keenayso isu socodka gaadiidka ka sokow in ay sidoo kale damaan nalalkii xaafadaha qaar amaba uu waqtigoodu soo gaabto, oo haddii uu mugdigu soo batana ay dhici karto in ay burcadduna ka faa'ideysato madawga.

Sare u kaca qiimaha shidaalka ayaanan haddana ku imaanin sabbayn xagga doollarka ah, waayo halkii doollar waxa uu ku fadhiyaa 19,000 oo shilin ilaa intii uu billowday in sicirka shidaalku uu sidan waallida ah kor ugu kaco, laakiin waxay ganacsatada shidaalka ku andacoonayaan in sare u kaca qiimaha shidaalka uu ka yimid isagoo magaalada gabaabsi ku noqday kaddib markii in muddo ah aanay nafto imaanin dalka bad-xirankii dartiis.

Mudiga xaafadaha oo soo batay naftada qaaliga noqotay darteed iyo socodka dadka lugaynaya oo soo kordhay ayaa ku qasabtay ciidamada xaafadaha ee madaniga ah iyo weliba ciidanka gurmadka booliska intaba in ay iyaguna kordhiyaan feejignaantooda xagga burcadnimada ah, iyadoo waddooyin badan xitaa maalinta cad la safay ciidamo ilaalo ah si aanan dadka iska lugaynaya loo baaranin, tanina waxay si weyn hoos ugu dhigtay xitaa dhicii loo geysan jiray gaadiidka.

Ma ahan Muqdisho oo keliya ee waxay sidoo kale sare u kaca qiimaha shidaalku saameyn ku yeelatay nolosha dad badan oo degmooyinka iyo tuulooyinka Muqdisho dibadeheeda ah ku dhaqan. Tusaale ahaan waxaa qiimaha halkii liitar oo nafto ah la siinayaa 25,000 oo shilin magaalada Baydhabo dhexdeeda, taasoo keentay in xitaa biyaha ay dadku cabbayeen ee ceelasha sicirkoodu uu sare u kaco.

Waxay hadda dadka reer Muqdisho hore u soo eegayaan dekedda Ceel Macaan, halkaasoo saraakiisha joogta ay ii sheegeen in maanta gelinka dambe amaba berrito ugu horreyn la sugayo in uu soo xirto markabka ugu soo horreeya oo nafto keena si ay magaaladu waxoogaa u kala dabacdo.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.