BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 27.08.2003 - 09:49 Wakhtiga London
Abaabul lagu sugayo xagga amniga Soomaaliya

Xassan Barise - BBCSomali.com


Xassan Barise
Xilli uu ammaanka guud ahaan koofurta Soomaaliya soo xumaanayayey ilaa toddobaaddadii ugu dambeeyey ayaa waxaad mooddaa inaanay hadda dadku sidii berigii hore ahayn ee ay foojigan yihiin iyagoo fiiro-gaar ah siinaya xaaladdooda nolosha gaar ahaanna xagga amniga.

Waxay haddaba taasi keentay in shicibka magaalada Muqdisho ay is-abaabulaan kana tashadaan arrimaha ammaankooda, waxaana sidoo kale arrintan bar-bar socda dar-dar hor leh oo ay dowladda KMG ah la timid oo ammaan-darrida lagula dagaallamayo.

Xasillooni-darrada oo xitaa mar u muuqatay mid abaabulan ayaa mar qura ay dadku ka wada qeyliyeen kaddib markii qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho ay ka go'een gaadiidkii mari jiray isla markaana ay 200% soo kordheen isbaarooyinkii yaallay inta u dhaxaysa Muqdisho ilaa gobollada Bay, Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, gaar ahaan waddooyinka saddexdaasi gobol ku xira Muqdisho.

Maleeshiyooyinka jid-gooyooyinka sharci-darrada ah samaystay kuma ekeysanin in ay kordhiyeen isbaarooyinka ee waxay sidoo kale kor u qaadeen lacagihii baadda ahaa ee ay gaadiidka ka qaadi jireen ilaa xaddiga uu gaadiidkiiba socon waayey meelo badan, tanina waxay keentay wax hadda u muuqda kacdoon ka dhan ah ammaan-darrida.

Haddii aan ka soo billaabo waddooyinka Muqdisho ku xira saddexda gobol ee Bay, Shabeellada Hoose ilaa Jubbada Dhexe waxaa maalintii shalay halkaasi u dhaqaaqay ciidan ku hubaysan ilaa 20 baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ka socda dhinaca dowladda KMG ah oo uu hoggaaminayo Yuusuf Maxamed Siyaad Indho-Cadde, ku-simaha gobolka Shabeellaha Hoose oo uu wehliyo abbaanduulaha ciidanka milatariga ee dowladda KMG ah, Gaashaanle Sare Cabdi Guuleed, waxayna ilaa iyo hadda durbada cagta mariyeen in ka badan 40 jidgooyo oo taallay inta u dhaxaysa Lambar Lixdan ilaa degmada Baraawe.

Sida uu Yuusuf Indho-Cadde khadka talefoonka ugu warramay BBC-da isagoo markaasi ka sii baxayey degmada Jannaale aroornimadii hore ee saaka, waxaa hawlgalkaasi lagu soo qab-qabtay maleeshiyooyin ka badan 10 oo isbaarooyinkaasi joogay iyadoo aanay cidina ku dhimanin, laakiinse waxa uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah burcadda iyadoo labo ka mid ah ciidankaasi ammaankana uu dhaawacyo fudud ka soo gaaray baabuurtii ay la socdeen oo ay dheceen, wuxuuna Yuusuf Indho-Cadde intaasi ku daray in raggaasi la soo qabqabtay maxkamad la soo taagi doono wixii ay mutaanna ka marsiin doono.

Hawlagalka la dagaallanka burcadda ma ahan dibadda magaalada oo keliya ee waxaa sidoo kale la abaabulay ciidamo madani ah oo kor u dhaafaya 1600 oo dhallinyaro ah kuwaasoo ka hawlgelaya gudaha magaalada Muqdisho, waxaana abaabulkan ka wada shaqeeyey masuuliyiinta degmooyinka gobolka Banaadir, maamulka gobolka, ururrada haweenka iyo ururrada bulshada rayidka ah, waxaana durbaba lagu guulaystay in aanan xaafadaha qaar lala dhex mari karin xitaa mindiyaha isba daaye bastoolado ama qoryo aanan la aqoonin.

Ciidamadan madaniga ah oo aanay cidina siinin wax mushaharooyin ah ayaa haatan ka hawlgala inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ilaa iyo hadda la soo qab-qabtay burcad kor u dhaafaysa ilaa 30 wiil sida uu ku warramay ninka xagga amaanka u qaabilsan maamulka gobolka Banaadir, Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey, wuxuuna intaasi ku daray in cel-celis ahaan maalin kasta la soo qabto ilaa lix burcad ah hawshaasina ay si xawli ah u socoto.

Ibraahim Shaawey waxa uu sheegay in ay hiigsanayaan in ay Muqdisho ku soo celiyaan nidaamka iyo kala dambaynta isagoo sheegay in siyaasiyiinta Muqdishana ay amuurtan xiriir wanaagsan ka leeyihiin si ay Muqdisho u noqoto meel ammaan ah.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa isaguna diyaariyey ilaa boqol nin oo si weyn u hubaysan oo loo bixiyey ciidanka gurmadka deg-degga ah, waxayna gacan siiyaan ciidamada madaniga ah ee degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan meelaha lagu sheego in ay burcad si weyn u hubaysan joogaan, waxayna isku xirka hawshani keentay in hadda ay Muqdisho u muuqato mid uu ammaankeedu si weyn isu soo beddelayo.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.