|
|
 |
 Talaado, 26.08.2003 - 08:23 Wakhtiga London
 |
Dab ka kacay xaafad ka tirsan Hargeysa
|
Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com
Dab ayaa shalay galab ka kacay xaafadda New Hargeysa ee bariga magaalada, waxaana ku dhintay dabkaasi laba caruur ah , waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo sagaal qof.
Xaafaddaasi gubatay oo aheyd buulal aqal Soomali iyo jiingado u badnayd waxaa deganaa dad qaxooti ah oo ka soo baro kacay gobollada koonfureed ee Soomaaliya siiba gobollada Bay iyo bakool ,waxaana weriyahayaga oo tegay halkaasi uu sheegay in deminta dabkaasi uu qaatay ilaa laba saacadood.
Gawaadhida dab demiska ee gegida dayuuradaha hargeysa ayaa goor danbe tegay xaafaddaasi , waxaana ku shuf beelay halkaasi badi buulashaasi oo gaadhayay boqollaal.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|