| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 26.08.2003 - 15:33 Wakhtiga London
Xassan Barise - BBCSomali.com
Soomaali isu timid oo iyadu inta tashatay ama wada hadla la yirina maba jirto. Shirkii markuu sidaa u marin habaabay, waxaa dhacday ninka shirka wada ee dowladda Kenya iyo safiirka Itoobiya meesha u jooga in ay shirkii ka saareen gacanta Soomaalida. Wax allaale wixii ay doonaan in ay shirkii ka faleen, shirkii in la keenay axdi ku sheeg aan Soomaalidu arag laga soo guuray dastuurka Itoobiya iyo kan Kenya. Kuwii axdiyadii ay Soomaalidu ka shaqeysay ee saddexda ahaana in meel la isaga tuuray. Axdi ku sheeggaas waxyaalihii ku qornaa waxay ahayd wax ihaano iyo meel ka dhaca ku ah diinta, sharafta iyo Soomaali midnimadeeda, wixii aan shirka kaga soo kacnay saas ayey ahayd markii aan niri wax ha laga beddelo oo la diiday. Dabadeed, annaga keliya maahan ee sidaad tilmaantay ee waxaa jira kooxo kale oo Soomaali ah iyo gobollo ayaa ka tegay, kuwo kalena waa damacsanaayeen ama hadda ayey damacsan yihiin in ay ka baxaan. Barise: Beryahaan waxaa suuqa ku jira ama si aad ah la isula dhex marayaa in aad doonayo in aad shirka ku noqoto. Marka xaggee bey wax maryaan, ma waxaa laga soo jawaabay shuruudihii aad u dhiibtay Maxamed Cabdi Afey, safiirka Kenya ee Soomaaliya ee dhowaantan kuu yimid si aad shirka ugu noqoto?
Haddii ay dhacay taasi asaan ka soo baxnay, shuruudihii aan ku xirnay jawaab ayaa naloo keenay, jawaabtii inna shuruudihii waa la aqblay intii kalena waxaanu qornay haddana aragtida yadii ahayd arrimaha haddaan wax lagha qaban in ayan suuroobaynin magaca ummadda Soomaaliyeed annagoo ku hadlayna in aan shrika ku noqono. Waxaanu hadda sugaynaa waxa weeye in aan aragno jawaab kale oo ka timaada Kenya oo haddana qodobaddii aynu ka hadlaynay ku saabsan. Jawaabtaa markii aan aragno, annagu waxaan leenahay hay'ado baarlamaan, xukuumad, madaxweyne, hayadaha yaga ayaa ka tashanaya haddii aan u aragno dantii ummadda Soomaaliyeed shirkaasi in wax uun faa'iido ah uga soo baxayaan lana oggolyahay in ummaddu in ay ku tashato oo dadka Soomaalida ah ee shirka ka qeybgelaya ay tashtaan kabacdina ay dhistaan dowlad ay u dhan yihiin. Hadde wixii aan u joognay weeye inaan ku noqonno khasab bey noqonaysaa haddii Alle yiraahdo, haddaan u aragno in ay khiyaano tahay la rabo in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo oo cadawgii shirka awalba gacanta kula jiray uu rabo in uu isagu tiisa fushadana, hadde annagu ummadda Soomaaliyeed waa u sheegaynaa shir in ay gudaha ku qabsato ayeyna noqon doontaa sidii aan hadda ka horba ama annaga aan sheegnay ama kooxaha Soomaalida ah iyo gobolladuba ay sheegeen. Barise: Hadda ma jiraan wax gacan-saar ah oo aad leedihiin adiga iyo Muuse Suudi, kooxda Dooxada Jubba iyo Cismaan Caato xiriir gaar ah ma jiraa iyo tallaabooyin aad doonaysaan in aad shir ku qabataan ama ma cayimi kartaa waqti aad doonaysaan in aad qabataan shir noocaas ah?
Barise: Waxaan ka warqabnaa in dowladdaada lagu soo dhisay Djibouti saddex sano ka hor iyadoo loogu yeerayo weliba in ay tahay dowlad dib u heshiisiin ah. Kooxahan aad hadda sheegayso waxay ka mid yihiin kooxihii berigii horeba ka biyo-diiday dowladdaada in ay ka soo qeybgalaan amaba dib u heshiisiinta kula galaan. Hadda, sidee baad ku keeni kartaa saddex sano kaddib in aad rajo ka qabtaan in aad heshiin kartaan maxay yihiin waxa soo kordhay? Cabdiqaasim: Run ahaantii annagaa keenayna arrintu ma ahee waxaa weeye dan Soomaaliyeed oo naga wada dhaxaysaan isugu wada imaanaynaa. Waxa soo kordhayna waa waayo aragnimo aanan la haysan sannad ka hor ama labo sano ka hor ayaa soo korortay oo u korortay ama kooxaha ama gobollada ama dowladda KMG ah xubnaha Soomaalinimadu ku dheehan tahay ee ka midka ah. Waayo aragnimadaasi waxay tahay cadawga Soomaaliya doonayo in uu googooyo ayaa la arkay. Waxaa la arkay khasaaraha iyo dagaalka ahliga ah ee lala rabo in Soomaaliya dib loogu soo celiyo.
Barise: Dadaalkaasi waan dareemi karnaa haddii shir baa la qabanayaa la dhaho inta kharash, taakulo amaba aqoonsi caalami ah ee loo baahan yahay. Yaad isku hallaynaysaan hadda iyadoo xilkii dowladdaadana uu dhammaaday? Cabdiqaasim: Marka ugu horreysa dowladda KMG ah waxa uu xilkeedu dhammaanayaa markii dowlad beddesha la soo dhiso, arrintaasina dastuurka ayey ku caddahay, mana ahan dastuurkayaga oo keliya ee dastuurrada adduunka oo dhan ayaa sidaas ah oo dowlad ama baarlamaan wuxuu meesha ka wareegaa marka dowlad ama baarlamaan beddela uu yimaado meesha. Tan labaad waxaan isku hallaynaynaa Ilaahay marka ugu horreysa, marka ku xigta dad baan nahay ummadda Soomaaliyeed dad jira oo nool weeye hanti leh xoolo nool iyo lacag iyo barwaaqo intaba waan leenahay, marka saddexaad saaxiibbo ayaannu adduunka ku leenahay keligeen maahin. Intaasoo isu tagtay shir Soomaaliyeed oo aan sannad soconayn, bilo kooban socda ama usbuucyo kooban waa qabsan kartaa ayaan qabnaa haddii uu fashilo shirka Nairobi. Barise: Ugu damnbayntii dadaalladan iyo waxan meesha ma ka saarayaan in aadan rajo fiican ka qabin shirka dalka Kenya uga socda kooxaha Soomaaliyeed? Cabdiqaasim: Waxaan leeyahay naxariista Ilaahay lagama quusto. Annagu mar walba haddii shirka gacanta Soomaalida loo daayo, si kastoo ay u kala fogtahay wey isafgaranaysaa Soomaalidu, waxaan rabnaa in gacanta ajnabiga ee jeebka uu ugu jiro shirka jeebkooda inuu ka baxo, shirku shir Soomaaliyeed in uu noqdo, markaasna waxaan hubaa ummada Soomaaliyeed wixii ay ku heshiiso ayaa u noqonaaya dhabbaha ay rabto in ay musqablka ku noolaato ama marto. Waana lagu heshiin kari doonaa midda aan u dagaallamaynana taa weeye, kama aaannaan quusane marka waxaan rabnaa shirku in uu dhabbihii Soomaalidu la rabtay qaado hadduu qaadi karo, hadduu qaadi waayana Soomaalidu in ay tashato sidii aan sheegaynay gobollada tan joogta, tan kooxaha, tan dowladda KMG ah intuba waxgaradkooda in ay tashtaan waqti kooban ummadda Soomaaliyeed dowlad loo dhan yahay oo ka saarta dhibaatada ay ku jirto in ay wada dhistaan. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |