| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 17.08.2003 - 08:33 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBCSomali.Com Wararka ka imaanaya magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa sheegaya in Sabtidii gelinkii dambe uu halkaasi gaaray wafdi uu hoggaaminayey hoggaamiye kooxeedka Muuse Suudi Yalaxow.
Waxa ii suurtagashey in isla markii wafdiga lagu soo dejiyey hotelka Meridiyan ee magaalada Kismaayo, aan la hadlo Cabdiraxmaan Maxamuud Jimcaale oo loo yaqaanno Cabdiraxmaan Shifti oo ka mid ahaa wafiga Muuse Suudi uu ii sheegay in ay go'aan ka soo qaateen shirka Soomaalida ee Kenya kaddib markii wax laga beddeli waayey qodobbo dhowr ah oo ay u soo jeediyeen maamulka shirka. Cabdiraxmaan Shifti waxa uu intaasi ku daray in qodobbada asaasiga u ah ka qeygalkooda shirka ay ka mid yihiin marka hore in uu shirku noqdo shir ay Soomaalidu leedahay oo shir guddoonkiisa, xoghayntiisa iyo maamulkaba ay noqdaan dad Soomaaliyeed. Waxaa kaloo uu sheegay in shuruudahooda ay ku jireen in golaha kulanka guud ama Plenary-ga waxa loo bixiyey uu noqdo mid sharciyeysan oo macnaha si la isku ogyahay uu ku yimaado isla markaana ay gundhig u noqdaan sharciyeynta go'aamada ka soo baxa shirka, intaasna ay wehliso in shirku ay beesha caalamku ku kaalmeyso dhaqaale iyo tas-hiilaadka kale ee loo baahan yahay, laakiinse ay milkiyadda shirku noqoto mid ay Soomaalidu leedahay sida uu hadalka u dhigay. Cabdiraxmaan Shifti waxa uu hadalkiisa iigu gunaanaday in ay weli doonayaan in uu shirku najaxo, oo haddii qodobbada ay tabanayaan wax laga beddelana ay dib ugu noqonayaan, waxana uu intaasi ku daray in ay hadda Kismaayo u yimaadeen shir wada tashi ah ay oo la yeelanayaan Dooxada Jubba oo sida uu hadalka u dhigay ay isku fikir ka yihiin arrimaha dib u heshiisiinta Soomaalida. Injineer Maxamed Xuseen Caddow ayaa isaguna ka mid ahaa xubnaha wafdiga Muuse Suudi ee Sabtidii Kismaayo ka degay. Yuusuf Mire Seeraar oo ah guddoomiye ku xigeenka Isbahaysiga Dooxada Jubba oo aan isagana isla hoteelkaasi Miridiyan kala hadlaya ayaa ku gaabsaday in ay shir wada tashi ah la yeelanayaan wafdigan hadda uga yimid dhinaca Nairobi, oo haddii ay wax ka soo baxaan wada hadalkoodana ay mar dambe saxaafadda u soo bandhigi doonaan. Yuusuf Mire Seeraar oo aan wax ka weydiiyey bal in ay wax iska beddeleen ballanqaadkii ay maalintii Jimcihii la galeen wafdigii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdi Afey oo ah danjiraha dowladda Kenya ee Soomaaliya dalkana u yimid sidii nolol cusub loo gelin lahaa shirka Soomaalida ee Kenya ayaa sheegay in aanu jirin wax isbeddel ah oo ku yimid ballantii ay la galeen danjiraha, hase yeeshee ay wafdigaasi ka codsadeen in soo jeedintooda ah in lagu noqdo shirka Kenya ay ka yeelanayaan saddex maalmood oo wada tashi ah sidaasna uu ka aqblaya Maxamed Cabdi Afey, haddana uu wada tashigaasi uun socda, wixii ka soo baxana lagu dhaqmi doono. Si kastaba ha ahaatee, marka ay iskaashadaan ka soo bixintaanka shirka ee Cabdiqaasim Salaad Xasan, madaxweynaha dowladda KMG ah, iyo wafdiga Muuse Suudi Yalaxow oo ay wehliso in aanay weli Dooxada Jubba dib ugu noqonin shirkaasi Kenya ee Soomaalida ayaa waxaa soo muuqanaysa ifafaale si weyn u muujinaya in shirka Soomaalida uu hadda ku jiro marxaladdiisii ugu dhibka badnayd. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |