BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 16.08.2003 - 08:26 Wakhtiga London
Idi Amin oo geeriyooday
Idi Amin oo ku geeriyooday dalka Sucuudi Arabia.
Idi Amin oo ku geeriyooday dalka Sucuudi Arabia.

Madaxweynihii hore ee Uganda, Idi Amin ayaa ku dhintey waddanka Sucuudiga isagoo jira da' lagu qiyaasey 80 sanadood.

Idi Aman waxa uu ahaa nin xoog weyn oo lahaa himalooyin waaweyn, waxa kale uu ahaa nin fikaradon waaweyn ka qaba naftiisa.


Idi Amiin
Idi Amin waxa uu dhashey sanadkii 1925kii, waxbarasho rasmi ah oo badan ma uusan lahayn, laakiin isagoo aad u da'yar ayuu ku biirey Miletrigii Musacmarkii Ingiriiska.

Waxa bilowgii taariikhdiisa uu madaxdiisa ku soo jiitey ooy ku jeclaadeen markii uu noqdey ninka heysta fiirka culus ee Uganda sanadkii 1951kii, sidaasna uu kor ugu dalacey jaranjaradii Milateriga.

Markii ay Uganda qaadatey gobonimadeeda sanadkii 1962kii, waxa uu Idi Amin aad ugu dhawaadey oo uu garab istaagey madaxweynihii waddanka ee wakhtigaas Milton Obote, waxana Amin loogu abaal gudey in loo dhiibo ciidamada lugta iyo kuwa cirkaba.

Laakiin sandkii 1971kii ayuu Idi Amin ka soo horjeestey Obote oo uu ahfangabi xukunkii kaga maroorsadey, isdagoo wada gowracey askartii uu u arkey in uusan aamini karin.

Muddo yar markii uu xukunka heystey ayuu Idi Amin waddanka Uganda ka eryey tobannaan kun oo eeshiyaan ah isagoo dhulkoodii, hantidoodii iyo ganacsigoodiiba siiyey saaxiibaddiis.

Iyadoo waddanka Uganda uu hoos ugu sii quusayo jahwareer iyo musuqmaasuq ayuu Idi Amin uu isagu isa siiyey darajooyin magac oo cusub, waxana darajooyinkaas ka mid ah in uu isku magacaabey Madaxweyne waligii jooga oo aan dhicin, jabiyihiii jabshey Boqortooyadii Ingiriiska iyo qaar kale isagoo xabadkiisa ku safey bilado aan tiro lahayn.

Tallaabooyinkaasi waxa ay keeneen in dad badan oo daafaha adduun ku kala nool ay ku maadsadaan ficilada Idi Amin.

Markii la gaarey sanadkii 1978dii, Idi Amin waxa uu arkey in saaxiibadii iyo taageerayaashii uu lahaa ay ka tageen, si uu haddaba indhaha uga leexsho mashaakilka gudaha Uganada ka taagan, madaxweyne Amin waxa uu weerar ku qaadey waddanka ay dareska yihiin ee Tanzania.

Ka dibna waxa weerarkiisii u jawaabey ciidamada Tanzania oo ay taageerayaan jabhado reer Uganda ah oo xukunkiisa ka soo horjeedey, taasoo Amin lagu jabshey kuna qasabtey in uu dalka uu iskaga cararo. Idi Amin waxa uu dhintey Isagoo aan marna dib u arkin waddankiisii oo masaafiris ku maqan. Waxana uu addunka ka jiitey isagoo aan la jeclayn laakiin aan la ilaabi karin.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.