| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 14.08.2003 - 16:13 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBCSomali.Com Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in Khamiistii gelinkii dambe ay labo kooxood oo maleeshiyo ahi ay isku haleeleen waddada Taleex ee degmada Hodon, halkaasoo ay rasaas xoog leh isku dhaafsadeen. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in ugu yaraan ay afar qof ay halkaasi ku geeriyoodeen lix kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka geeriyoodey waxa ay u badnaayeen maleeshiyadii is-raadsanaysay, kuwaasoo labaduba kala watay min hal bas oo ah kuwa caasiyada loo yaqaanno. Waxaa sidoo kale dadkaasi dhintay ka mid ah nin si weyn magaalada Muqdisho looga yaqaanay oo la yiraahdo Cabdullaahi Maxamed Cali oo si weyn loogu sii yaqaannay Cabdullaahi Dhaxan. Goobjooge halkaasi joogay oo aanan doonaynin in magaciisa la sheego ayaa sheegay in dhallinyarada kala wadataty labada caasi ay rasaasta isku billaabeen mar qura. Ilaa iyo hadda weli lama yaqaanno cidda weerarkan ka damabaysay iyo sababta toona. Dhacdadan ayaa ku soo beegantay Khamiistii gelinkii dambe markii uu magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka kooban saddex xubnood oo uu hoggaaminayo Maxamed Cabdi Afey oo ah danjiraha ay dowladda Kenya u soo magacawday dalka Soomaaliya iyadoo ay wehlinayaan Dr Cali Baashi iyo Cabdi Bashiir Warsame oo labaduba ka kala tirsan goleyaasha dowladda KMG ah oo hadda Nairobi ka soo raacay danjiraha. Waxaa la filayaa in socdaalka wafdiga uu la xiriiro sidii dib nolol loogu gelin lahaa shirka dalka Kenya uga socda Soomaalida ee ay hareeyeen dhibaatooyinka siyaasadeed. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |