| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 09.08.2003 - 14:26 Wakhtiga London
Yusuf Hassan - BBCSomali.com Shir ay maanta isugu yimaadeed kooxaha diidan hab socodka shirka dib u heshiisiinta Soomalida ee Mbagathi ayaa waxay ku soo qaadeen khaladaadka dastuurka ku jira iyo in shirku uu u muuqdo haddii sidda uu haatan u socodo loo daayo, in uu noqonayo shir horseeda colaad hor leh. Shirkan ayaa waxaa isugu yimid qaar ka mid ah ururada bushada rayidka ah, odayaasha dhaqanka, iyo kooxaha siyaasada sida garabka Muse suudi Yallaxaw oo uu ka joogay Inj. Caddow iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka tirsan Ururka RRA iyo wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda ku meel gaarka ah. Dhanka ururadd bushadana waxaa shirka ka qeyb galay Dr. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib. Warsaxaafadeed ay soo saareen Kooxahaas shiray, shirka ka dib ayaa dhamaan waxay si wada jir ah u canbaareeyeen sida uu u socdo shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee kenya, waxayna codsadeen in shirka si loo badbaadiyo la meel mariyo qodobo ay ka mid yihiin: In marka hore dib u heshiisiin loo sameeyo kooxaha Soomaalida ee colaadu u dhexeyso. In dastuurka ku meel gaarka ah ee hadda laga doodayo oo ay sameeyeen, sida ay qoraaal ku sheegeen, dad aan khibrad u laheyn, in loo saaro khubaro Soomaali ah oo aqoon u leh sameynta dastuurka. Waxayna hoosta ka xariiqeen in aan loo baahneyn dastuur cusub ee loo baahan yahay in dastuurkii hore laga badelo waxii aan la socon karin xaaladda iyo waqtiga. Waxayna sheegeen in hab maamulka uu shirka dib u heshiisiinta Soomaalidu ku socodo in wax laga badelo, iyagoo gaar ahaana xusay, habka qeybinta doodaha iyo dad shirka iska yimaada iyagoo aan aheyn ergada ka qeyb galeysa shirka. Iyo in isla markaasna wax laga qabto anshax xumo ay sheegeen in loo geysto dad doonaya in ay fikradahooda ka dhiibtaan dooda. Waxaa kale oo ay kooxahaani warsaxaafadeedkooda ku soo jeediyeen in shirka laga rabay in uu noqdo mid ay dhamaan Soomaalida ka qeyb galaan, hase yeeshee uu maamulka shirku ku guuldareystay in uu keeno qeyb ka mid Soomaalida. Waxayna ugu danbeyntii soo jeediyeen in dooda ergada dib loo dhigo, inta arrimahan oo dhan xal loo helayo. Waxayna intaa ku dareen haddii baaqyadan lagu guuldareysto in wax laga soo qaado, in uu shirku ku danbeyn doono cawaaqib xumo. Dhanka kale, Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ah dadka shirkaas goobjooga ka ahaa ayaa ii sheegay in isagu u arko shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee kenya in uu yahay mid waqti dhumis ah, uuna ku talo jiro in uu mar dhow isaga baxo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |