| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 05.08.2003 - 08:16 Wakhtiga London
Yusuf Hassan - BBCSomali.com In ku dhow dhow soddon odey dhaqameed ayaa lagu dhaarayay shalay galinkii danbay madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Imbagathi. Boqol iyo seddex oday dhaqameed oo la sheegay in ay Nairobi joogeen ayaa intooda badan waxay diideen in la dhaariyo. Waxyaabaha lagu dhaarinayay odeyaasha ayaa waxaa ka mid ahaa in ay si saxa u yihiin odayaal dhameedyo ka socda beelahooda iyo in ay daacad u noqdaan oo ay si saxa u gutaan xilkooda xulista xubnaha baarlamaanka, u gutaan xilkooda si aan eex laheyn. Odeyaal dhaqameedyada caanka ah ee hadda jooga Niarobi ayaa intooda badan waxaa lama filaan ku noqotay dhaartan. Sidoo kalena waxaa lala yaabay rag aan hore loogu aqoon hogaamiye dhaqmeednimo in hadda loo dhaariyay hogaamiye dhaqmeednimo. Taas oo ka careysiisay beelaha qaarkood oo u arkay in meel weyn looga dhacay arrimahooda dhaqanka. Hogamiye dhameedyada qaarkood oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in dhaarta iyo hogaamiye dhaqmeedyada cusub ee la keenay in ay meel ka dhac ku tahay meeqaamooda dhaqameed. Waxaana si weyn uga caraysiiyay odeyaasha dhaqanka beelo lahaa hal hogaamiye dhaqameedyo oo caan ahaa in hadda loo dhaariyay hogaamiye dhaqmeed cusub oo aan la aqoon halka uu ka yimid iyo cida ka danbeysa. Hase yeeshee, marka aan weydiiyay Afhayeenka Shirka, Maxamed Cabdullaahi sida laga yeelayo cabashada odeyaasha dhaqanka, ayaa waxaa uu ii sheegay in cidii caaqil aysan aheyn sheegata in aan shirka loo ogolaan doonin. Dhanka kale, Deegaanada Puntland iyo Somaliland ayaa labadaba ilaa iyo hadda aanan ka joogin shirka odeyaal dhaqameedyo la yaqaano. Hase yeeshee, maamulka shirku waxaa uu sheegay in uu ku talo jiro in uu keeno dhamaan hogaamiyeyaasha dhaqanka ee harsan. Si kastaba ha ahaatee, maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa loo qeybiyay nuqulo dastuurka cusub ah oo Soomaali ku qoran kooxaha, waxaan laga codsaday koox kasta in ay soo akhriyaan oo ay soo gudbiyaan wixii sixid u baahan, waxaa la filayaa in doodii dastuurka cusub in la bilaabo maanta. Iyadoo ay wali taagan yihiin arrimihii xasaasiga ahaa ee ku jiray dastuurka ee uu muranka weyni ka taagnaa. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |