|
|
 |
 Sabti, 02.08.2003 - 13:26 Wakhtiga London
 |
Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Soomaalida
|
Yusuf Hassan - BBCSomali.com
 Yusuf Hassan | Ergooyinka ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socda Magaalada Nairobi ayaa maanta waxaa loo qaybiyey Nuqul ah dastuurka Cusub oo ku qoran Af Soomaali.
Qolka shirarka ee madasha shirka ee Mbagathi oo ay isugu yimaadeen inta badan ergooyinka iyo hogaamiyeyaalka shirka ka qaybgalaya ayaa laga hor aqriyey qodabada Dastuurka Cusub.
Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee dalka Keynaya iyo safiirka dalka Kenya ee Soomaaliya, Maxamed Affay iyo gudoomaha shirka Kibligaat ayaa iyaguna goob joog ahaa.
Muse Suudi Yallaxaw oo isga shalay warsaxaafadeed uu soo saaray ku soo jeediyay talo ah in aan dastuurka la horgeyn arigada, ayaa isaguna ka mid ahaa hogamiyeyaashii ka qeyb galay dhageysiga akhriska qodobada dastuurka cusub.
Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha shirka ka qeyb galaya oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa ii sheegay in Guddoomiyaha shirka, Bathwel Kiblagat uu ogalaaday in Dastuurka Cusub aan shiweynaha looga hadlin hadda oo dib loo dhigo muddo seddex maalimood ah tan iyo inta ay ka soo baaraan dagayaan Ergooyinka shirka ka qayb galaya.
Si kasta ha ahaatee, jawiga shirku ayaa ahaa mid muuqda in uu marayo meel xasaasi ah, waxaana lagu wadaa maalmaha soo socoda in si dhab ah ay u bilaabado dooda dastuurka iyo u codeyntiisa, iyadoo uu gudoonka shirku ku talo jiro in uu u gudbo wajiga seddexaad ee doorashada xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Hase ahaatee waxaa arrintaa ka horeeya in wafdi balaaran oo ka socoda dowladda Kenya loo diro marka hore Jamhuuriyada la magac baxday Soomaaliland, si looga dhaadhiciyo in ay muhiim tahay in ay shirka ka soo qeyb galaan.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|