BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Axad, 27.07.2003 - 10:17 Wakhtiga London
Wararkii ugu danbeeyay ee shirka Soomaalida

Yusuf Hassan - BBCSomali.com

Waxaa muuqata in shirka uu hadda marayo meel aad iyo aad xasaasi u ah, oo wax kasta laga filan karo, haatana ay kooxaha ka muuqato kala fogaasho weyn oo la xiira cida qeybineysa xubnaha baarlamaanka, waxaa kale oo aad loogu kala fog yahay arrimaha la xiriira federaalka.

Dowladda KMG-ka ah ayaa ilaa iyo hadda khilaafkii u dhexeeyay aanan wax xal ah loo helin, natiijo wax ku ool ahna aan laga gaarin waawaantii laga dhex waday madaxweynaha dowaladda KMG-ka, Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo Ra'iisal Wasaarihiisa, Xassan Abshir Faarax iyo gudoomiyaha baarlamaanka, Cabdalla Deerow Isaaq.

Sida ka muuqata nuqulada dastuurka la gudbiyay ma jiraan wax isbedel weyn ah oo lagu sameeyey qodobadii lagu marunsanaan. Waxaase la bedalay oo luqadda rasmiga ah ee dalka laga dhigay luqada Carabiga sida tan Soomaaliga.

Dhamaanba kooxaha ka qeyb galaya shirka ayaa fikradahooda ka dhiibteen dastuurka cusub ee ku meel gaarka iyo sida ay u arkaan, kaas oo la filayo in todobaadka soo socda lagu ansixiyo shir weyni ay isugu imaanayaan ergooyinka shirka ka qeyb galaya.

Dhanka kale, Warsaxaafadeed uu soo saarey Muuse Suudi Yellow oo ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha ka qeybgalaya shirka dib u heshiisiita Soomaalida ee hadda ka socda dalka Kenya, ayaa waxuu sheegay in ay lama maarmaan tahay in tilaabada ugu horeysa ee dib u heshiisiinta in ay noqoto mid lagu heshiisiinayo kooxaha ay colaaduhu u dhexeyso.

Kuwaas oo ay ugu horeeyaan sida uu Muse Suudi ku tilaamay warsaxaafadeedkiisa, hogaamiyeyaasha hadda shirka ka qeyb galaya, oo ay colaaddu u dhaxeyso.

Muuse Suudi waxaa uu ka digay haddii aysan taasi dhicina in uusan shirku marnaba noqon karin shir lagu tilmaami karo mid dib-u-heshiisiineed.

Muuse Suudi waxaa uu intaa ku daray, in ay hadda muuqato in mudadii sagaalka bilood aheyd ee uu shirku socoday in aysan jirin haba yaraatee cid la heshiisiiyey ilaa iyo hadda.

Balse ay jirto, kooxo horey heshiis u ahaa in ay ka dhex aloosan tahay colaad cusub. Sidaa darteedna ay adag tahay in kooxo aan heshiis aheyn ay wada dhistaan dowlad loo dhan yahay.

Muuse Suudi oo ka hadlayay dastuurka hadda lagu muransan yahay ayaa waxa uu warsaxaafadeedkiisa ku xusay, in la sameyn karo axdi qarameed ka turjuma xaaladda ay maanta Soomaaliya ku sugan tahay oo la isla wada ogol yahay, marka ugu horeyntii heshiis dhab ah la dhex dhigo dhamaan kooxaha ay colaadu u dhexeyso.

Ka dibna loo gudbi karo awood qeybsi ku dhisan cadaalad, laguna dadaalo in cid kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay si looga wada qeyb galo meelmarinta maamulka la rabo in lagu dhiso shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi.

Muuse Suudi waxaa uu kula taliyay dowladdaha safka hore, iyo kuwa shirka taageera iyo ururada caalamiga ah sida Qaramada Midowbay, Ururka Midowga Yurub, Ururka Jaamacada Carabta iyo kan Midowga Afrikaba in aysan siinin taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milatariba, maamul kooxeed aysan Soomaalidu u wada dhameyn.

Ugu danbeyntiina waxaa uu Muuse sheegay in uu ka soo horjeedo wax kasta oo shirka lagu marin habaabin karo, keenina kara khilaaf iyo dagaalo cusub oo barakac abuura.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.