| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 23.07.2003 - 08:22 Wakhtiga London
Farxiya Cal Qaajo - BBCSomali.com Waxaa kajiray labadii maalmood ee la soo dhaafay degmada Afgooye iyo magaalada muqdisho iyo nawaaxigooda cayaaro dhaqameedka dabshidka, kaasoo uu ka mid yahay istunka dagmada afgooye, badgalka xamar iyo shirta dayniile iyo caliyaalo. Waxaa la arkay maalmihii lasoo dhaafay dad aad u farabada oo dhooban busteejooyinka laga raaco baabuurta aada gedmooyinka Afggooye iyo Balcad, dadkaasoo ku sijeeda cayaarta istunka iyo tanshirta sanadka oo ay labadaasi degmo caanka ku yihiin. Ayadoo maantaa lagu soo gaba gabeeyey degmada Afgooye cayaarta istunka oo sanadwalba hadahan oo kale lagu qabto halkaasi. Cayaarta ayaa waxaa ku dhaxjira caado dhaqameed ay aamin sa yihii dadka degan degmada afgooye iyo nawaaxigeeda,dadka cayaaraya istunka ayaa waxay isu eryadaan hadba meel ayagoo u kala baxaya laba saf ulaha ay dadkaasi istic maalayaan ayaa ah ku aan sidaa u waa wayneen hadan uun xanuunkoodsa leh. Dhinaca kale magaalada muqdisho ayaa ka mid ah goobaha laga xusay caado dhaqameedka sanadka cusub ee Sooalida ayadoo la arka yey dad aad u farabadan oo saakay samay nayey caadada badgalka oo ay wehliso Xoolo qalid. Waxaa kaloo ayaduna ka jiray dayniile cayaarta shirta ayadoo cayaarta shirta sidoo kalana ay ka jirtay deegaanka caliyaalo, oo dadka dagani ay dhaqan ahaan uga qaybqaataan, ayay dadka caado dhaqameedka aamin san waxay sanadka ugu mac dareen in uu yahay sanad talaadaad, oo ay waliba ku fasireen in uu yahay barwaaqo iyo nabad mid laga sugayo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |