| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 22.07.2003 - 13:14 Wakhtiga London
Axmed kismayo - BBCSomali.com Madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf iyo ku xigeenkiisa Max'ed Cabdi Xaashi ayaa waxa soo kala dhexgalay khilaaf ka dhashay isku beddel la damcay in lagu sameeyo qaar ka mid ah golaha wasiirrada, taasoo marki dame keentay in labada nin ay is dhaafsadaan wareegtooyin is burinaya. Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland Max'ed Cabdi Xaashi ayaa shalay waxa uu soo saaray warqad rasmi ah oo uu ku caddaynayo in uu wasiirkii maalyadda C/raxmaan Max'ed Faroole u wareejiyay wasaaradda caafimaadka isagoo isla markaana xilkiii wasaaradda maaliyadda u magacaabay Siciid Max'ed M ax'uud (Cadduur) oo ahaa wasiirkii caafimaadka. M/wayne ku xigeenku waxa uu qoraalkiisa ku sheegay inuu go'aankaas qaatay ka dib markuu arkay lacag yarida uu sheegay inay haatan ka jirto Puntland taasoo dhalisay sida uu sheegay in muddo ka badan laba bilood ah ayan wax mushaar ah qaada shaqaalaha iyo ciidamadaba isla markaana uu khatar ku sugan yahay dalku waa sida uu qoraalku sheegayo'e. Qoraalka m/wayne ku xigeenku waxa uu intaa ku darayaa in go'aanka uu qaatay uu u yahay mid uu awood u siinayo dastuurku sida ku cad qodobka 55-aad ee dastuurka ee qeexaya awoodaha iyo xilalka m/wayne ku xigeenka, isagoo isla markaana amar ku bixiyay in xilwareejinta labada wasaaradood ay dhacdo muddo ku siman 48saacadood laga bilaaba marka ay warqaddu soo baxday. Tallaabadaas uu qaaday m/wayne ku xigeenka ka dib ayaa M/waynaha Puntland C/lahi Yusuf oo haatan ku sugan dalkaasi Kenya waxa uu soo saaray qoraal kale oo rasmi ah isla markaana uu ku xeerinayo in labada wasiir mid kastaa uu joogo wasaaraddii uu horay u joogay. Waxa kaloo uu C/lahi Yuusuf ku sheegay xeerka uu soo saaray in wixii khalad ah ee maamulka ka dhexjira deg-deg loo saxo wixii isbeddel ah ee lagu samynayo golaha wasiirradana isaga lala sugo. M/waynaha Puntland C/lahi Yusuf waxa uu uu sheegay in m/wayne ku xigeenku yahay m/wayne ku meel gaar ah ama sii haye xilka m/waynaha ayna lagama maarmaan tahay in isku shaandhaynta golaha wasiirrada ay noqoto mid ay ka wada tashadaan labadooda sida uu qorayo dastuurku. Sidoo kale waxa uu tixgeliyay C/lahi Yusuf sida ku cad xeerkan inuu tixgelinayo xaaladda siyaasadeed iyo nabadgalyo iyo ee heer qaran iyo tan Puntland intaba iyo waliba dhowridda midnimada Puntland. M/wayne ku xigeenk Max'ed Cabdi Xaashi ayaa qoraalkaa uu soo saaray C/lahi Yusuf ka dib waxa uu soo saaray warqad kale oo uu ku sheegayo in xeerka uu soo saaray C/lahi Yusuf uusan ahayn mid waafaqsan sharciga. Warqaddan labaad oo si toos ah ugu socota m/waynaha Puntland waxa kaloo uu sheegay M/wayne ku xigeenku in isaga iyo C/raxmaan Max'ed Faroole oo ah wasiirka maaliyadda aysan wada shaqayn karayn. Wasiirka maaliyadda C/raxmaan Faroole oo aan wax ka waydiyay sababta keentay mushaar la'aanta iyo lacag yaraanta dhacday ee lagu eedaynayo waxa uu ii sheegay inuusan masuul ka ahayn arimahaas lagu eedaynayo isla markaana markii uu xilka qabtayba ay lacago mushaar ah oo maqan ay jireen intii uu joogayna uu sameeyay mushaar kordhin dhamaan qaybaha kala duwan ee dawladda sida garsoorka, barlamanka iyo xukuummadda iyo ciidankaba. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |