| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 16.07.2003 - 08:21 Wakhtiga London
Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com Magaalada Hargeysa waxaa soo baxayay saddexdii maalmood ee u danbeeyay in diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ee dawladda Mareykanku ay duqeeyeen todobaadkan jasiiradda la yidhaahdo CEEBAAB ee Somaliland oo ku taalla badda gacanka cadmeed . Haddaba maanta ayay markii ugu horreysay ka hadashay duqeyntaasi Jamhuuriyda la magac baxday Somaliland .cairo01 Jasiiradaasi la yidhaaho CEEBAAD sida uu ii sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka baddu Axmed Hurre Jaamac waxay 10 KM ka xigta dhinaca woqooyi galbeed magaalada Zaylac ,waxayna ku taallaa ag-agaarka jasiiradda kale ee weyn ee la yidhaahdo sacaada-diin. Agaasimaha guud wuxuu sheegay in Axadii dhoweyd ee 13kii july ay diyaaraaha dagaalka ee ciidanka cirka ee dawladda mareykanku oo ay filayaan inay ka soo kaceen saldhigooda magaalada Jabuuti amaba maraakiibta dagaalka ee ku sugan badda ay duqeyn lixaad leh ku garaaceen bamam jasiiradda ceebaad iyo bada ag-agaarkeeda ah . Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Somaliland Axmed Hurre Jaamac wuxuu intaa ku daray in maamulka wasaaraddiisa ee degmaa Zeylac iyo boliiska Somaliland ee aaggaasi joogaaba ay u soo xaqiijiyeen duqeyntaasi diyaaraaha dagaalka ee Mareykanka ee jasiirada Ceebaad. Wuxuu sheegay in nasiib wanaag waqtiga diyaaradahaasi ay wax Duqeynayeen aanay ku sugneyn jasiiraddaasi dadka kalluumeysatada ah oo badi isticmaala ayuu yidhi aagaasi iyadoo ay ugu wacneyd xilligan xagaaga ee bad xidhanka oo dabeylo xoog lihi ay dhacayaan. Hase yeeshee Agaasimaha Guud wuxuu caddeeyay in ay jiraan khasaare xagga deegaanka ah oo noole badeed badani uu ku dhintay duqeyntaasi. Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyradka badda ee Somaliland waxay kaloo warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay, in jasiiradaha Ceebaad iyo sacaada-diin ee Somaliland ay ka tirsanyihiin goobo urur goboleedka badda cas iyo gacanka cadmeed ee ilaalinta deegaanka baduhu uu u calaamadiyay in lagu ilaaliyo noolaha kala geddisan ee badaha, kana caagan waxyeelleynta deegaanka badda oo seero badeed loo aqoonsanaa. Warsaxaafadeedkaasi wasaaradda kalluumeysiga waxaa kaloo lagu sheegay in ay ka xun yihiin in dhibaato loo geysto deegaankaasi muhimmadda gaarka ah u leh bay yidhaahdeen gobolka badda cas iyo gacanka cadmeed . |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |