| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Isniin, 14.07.2003 - 10:49 Wakhtiga London
Yusuf Hassan - BBCSomali.com
Shirkaasi ayaa waxaa looga hadlay colaadaha ka aloosan Afrika iyo sida wax looga qabanayo, la dagaalanka cudurka Aids-ka iyo hoos u dhigida saboolnimada ka jirta qaarada Afrika. Arimahaas oo dhan ayaa waxaa laga soo saarey go'aamo ay ka mid yihiin in la xoojiyo kaabayaasha dhaqaalaha, isla markaana iskaashi iyo xiir adag in lala yeesho barnaamijka dalalka hodonka ah ay ku taageerayaan dalalka saboolka ah ee Afrika. Xagga joojinta iyo ka hortagga colaadaha Afirka ayaa waxay hogaamiyeyaasha Afrika ay isla garteen in ay lagama maarmaan tahay in la sameeyo ciidan nabad ilaalineed oo ay leeyihiin dalalka Afrikaanku. Iyadoo la qorsheeyey in ciidamo gaaraya ilaa iyo 1,500 in loo diro dalka Liberia si ay uga qeyb qaataan howsha nabadeynt dalka Liberia. Ciidamadaasna waxaa lagu rajaweyn yahay in ay kala kala yimaadaan dalalka waqooyiga Afirka. Hogaamiyeyaashu waxaa kale oo ay isku afgarteen, in si dhaqso ah wax looga qabto colaadaha ka aloosan dalalka Soomaaliya, Sudan, Burundi, Jamhuuriyada Dimuquraadiga ee Kongo IWM. Dhanka Soomaaliya waxay hogaamiyeyaasha Afrikaanku dhiiro galiyeen, in la xoojiyo heshiiska dib u heshiisiinta ee Soomalida uga socoda dalka Kenya, iyo in la dhowro midnimada iyo xuduudaha Soomaaliya. Intii uu shirku socoday, ayaa madaxweyna DKMG-ka, Cabdiqaasim Salaad Xassan waxaa uu jeediyay khudbad uu ku eedeynayo dowladda Etoobiya in ay faragalin iyo xadgud ku heyso dalka Soomaliya, ayna si joogta ah uga xadgudubto cunaqabateentii xagga hubka oo ay Qaramada Midowbey ku soo rogtay Soomaaliya. Ayna hubeyso qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha ka soo horjeeda DKMGka ah. Isla markaasna waxaa uu sheegey madaweyne Cabduqaasim, in uu isagu isku dayay in uu xiriir wanaagsan la yeesho dowladda Etoobiya, hase yeeshee, ay Etoobiya arrintaa iska indho tirtay. Cabdiqaasim khudabdiisa waxaa kale oo ku jiray, erayo uu ku amaanay dalka Etoobiya , oo ku sheegay in ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen, ulana dhaqmeen qaxootigii Soomaaliyeed ee dalkooda u boqoolay xilgii uu dagaalka sokeeyo socday. Waxuuna taas uga mahad celiyey dadka iyo dowladda Etoobiya.
Wuxuuna sheegay Zenawe, in dowladda Etoobiya ay had iyo goor ka shaqeyso nabadda dalka Soomaaliya. Waxuuna Ra'iisal Wasaaraha Etoobiya, Meles Zanawe uu ku raacay Cabdiqaasim Salaad Xassan in ay labada dal yihiin dalalwalaalo ah oo daris ah. Waxay kale oo ay isla garteen madaxdii Afrika ee ku shiray Maputu, in la qaado olole xoog leh oo lagu xakameynayo cudurka Aids-ka iyo cudurada kale oo ay ka mid yihiin duumada iyo qaaxada oo ay u dhintaan sanad walba malaayiin Afrikaan ah. Waxaa kale oo ay madaxdu isla soo qaadeen, in la dhowro xuquuda caruurta iyo dumarka Afrika, kuwaas oo dhibaatooyin badan ay soo wajahaan. Hogaamiyeyaasha Afrikaanku waxay dib u dhigeen, qodobo ay ka mid yihiin, qaraaro lagu aasaasayo gole ay Afrikaanku leeyihiin oo ay howshiisu tahay sugidda amaanka iyo nabadda dalalka Afrika iyo barlamaan mideysan oo u dhexeeya dalalka Afrika. Waxaana qaraarkaas dib loogu dhigay in lagu gorfeeyo shir aan caadi aheyn oo la filayo in la qabto bilaha soo socoda. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |