| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 05.07.2003 - 09:14 Wakhtiga London
Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com Waaxda socdaalka ee dalka Britain iyo Jamhuuriyada la magac baxday Somaliland ayaa waxay ku gaadheen magaalada Hargeysa heshiis dhigaya in dib loogu soo celiyo Somaliland dadka u dhashay ee sida sharci darrada ah ku jooga dalka Britain. Heshiiskani wuxuu ka danbeeyay socdaal muddo afar maalmood ahayd qaatay oo ay Hargeysa ku yimaadeen wafdi ka koobnaa saddex xubnood oo ka socday dawladda Britain , wafdigaasi oo uu hogaaminaayay Colin Harbin oo ah agaasime ku xigeenka waaxda socdaalka iyo jinsiyadda ee dawladda Britain. Mr.Harbin oo aan shalay maqribkii kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa intii aanay ka dhoofin , wuxuu BBC-da u sheegay in ay bilaabayaan hawshan dadka dib loogu soo celinaayo bisha Augost ee sannadkan, hase yeeshee wuxuu yidhi, "kuuma sheegi karo hadda tirada saxa ah ee la soo celinayo." Heshiiskan oo gaar ahaan ay u gaadheen sida ku cad qoraalkiisa wasaaradda dib u dejinta ee Somaliland iyo waaxda socdaalka ee Britain wuxuu dhigayaa in ugu badnaan bishiiba lagu soo celin karo Somaliland toban qof oo ah dadka u dhashay ee sida sharciga aan waafaqsaneyn ku jooga dalka Britain. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay wada shaqeyn dhow ka yeelan doonaan xaqiijinta in dad soo celintaasi la joogteeyo. Waxaa ku qoran heshiiskaasi oo kale in dadka la soo celinaayo la dhawrayo karaamadooda qof ahaaneed, iyadoo lagu xusay heshiiskan in tallaabadan ay suurtagelisay nabadda, xasilloonida, iyo degenaanshaha ay ku naallooneysay Somaliland sannadahan danbe. Wafdigaasi ka socday waaxda socdaalka ee Britain intii ay joogeen Somaliland waxay la kulmeen madaxweynaha Daahir Rayaale Kaahin, wasiiradda Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Dib U dejinta , iyo Warfaafinta. Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Edna Aden Ismaaciil oo heshiiskaasi aan ka wareystay waxay ii sheegtay inuu khuseeyo oo keliya dadka bilaa sharciga ah ee gala denbiyada socdaalka ee ku nool dalka Britain una dhashay Somaliland ee lagu qanco marka la soo mariyo xafiiska wakiilka Somaliland ee London. Edna Aden Ismaaciil waxay intaasi ku dartay in maadaama ictiraaf aannu ka dooneyno caalamka ay tahay inaanu xurmeyno sharciga caalamiga ah , oo intii qofka u dhashay Somaliland meel kale lagu tuuri lahaa lagu soo celiyo dalkiisa. Waxay kaloo sheegtay inay isla garteen saraakiisha Britain in inta aan la soo celin qofka marka hore la soo siiyo tababar xirfadeed uu ku shaqeysan karo . Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland oo aan weydiiyay in xukuumadeeddu ay kubeddelatay wax lacag ah ogolaanshaha soo celinta dadka u dhashay Somaliland ee sida sharci darrada ah ku jooga Britain ? Waxay ku jawaabtay inaanay haba yaraatee taasi jirin . |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |