BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 05.07.2003 - 17:57 Wakhtiga London
Shirka Soomaalida Mpagathi oo heshiis laga gaaray

Wararka naga soo gaaraya madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray qodobadii dastuurka ku saabsanaa ee baryanba dooda kulul ay ka socotay.

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in wafuuda shirka ka qeybgaleysa in ay ansixiyeen qodobo ay ka mid yihiin: In tirada baarlamaanka ku meelgaarku ay noqoto seddex boqol iyo konton iyo kow xubnood. Isla markaasna in xidhibaanada ay soo magacaabaan saxiixayaasha seddex iyo labaatanka gaaraya, kuwaas oo loola jeedo hogaamiyeyaasha kooxaha kala gedisan oo la tashanaya odayaasha dhaqanka.

Waxaa kale oo lagu heshiiyey in mudadda dowladda ku meel gaarka ah ay noqoto afar sanadood. Iyo in sidoo kale la qaato nidaamka federaaliga ah.

Go'aankan ayaa la gaaray, kadib markii guddoomiyaha shirka, Bethwel Kiplagat uu shirka ka hor aqriyay qodobadaas uuna isla markiiba codsaday in qodobadaas la ansixiyo. Taasoo isla markiiba qeylo iyo sacab lagu ansixiyay.

Ergooyinkii shirka ka qeyb galayay qaar ka mid sida ururada bulshada rayidka, ayaa waxay BBC-da u sheegeen in loo diiday in ay cod ka dhiibtaan qodobada la soo hordhigay, iyadoo isla markaana lagu dhaqmay si aan nidaamka waafaqsaneyd, sidaasna waxaa BBC-da u sheegay Jeneral Jaamac Maxamed Qaalib.

Sidoo kale dowladda Ku meel gaarka ah, ayaa iyaduna waxay muujisay in aysan raali ka aheyn sida go'aanka loo gudoomiyay, haddana ay ka shirayaan waxa ay ka yeelayaan, iyagoo intaa raaciyay in ay war ka soo saari doonaan arrintan.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.