|
|
 |
 Jimce, 04.07.2003 - 14:56 Wakhtiga London
 |
Walwal laga muujiyay xayiraadda duulimaadka Soomaaliya
|
Qaramada Midoobay hay'adda u qaabilsan caruurta, ayaa codkeeda ku dartay cabashooyinka ku saabsan saamaynta xayiraadda duulimaadyada Soomaaliya.
Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, ayaa sheegay in xayiraaddu ay saamayn xun ku yeelanayso awoodii hay'adaja gargaarku ay u lahaan lahaayeen in ay caawiyaan dadka Soomaalida ah ee aadka u dhibaataysan.
Xayiraadda dhinaca duulimaadyada, oo dhaqangashay ku dhowaad sadex todobaad ka hor 21-kii bishii June, ayaa waxay xayirtay UNICEF tallaalkii ay u fidin lahayd caruurta ku nool gobolka Gedo, cunto ay u qaybin lahayd caruur nafaqo daro hayso oo ku nool gobolka Hiiraan iyo barnaamijyo tababaro macalimiin oo ay ka fulin lahaayeen Muqdisho iyo Kismaayo.
Kenya, waxay xayiraad sheegtay in ay u soo rogtay sababo la xiriira dhinaca nabadgalyada.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|