| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 03.07.2003 - 17:59 Wakhtiga London
Maxamed Daahir - Jabuuti Shirkii toddobaaka hal-abuurka soomaalida ee maalmahan ka socday magaalada Jabbuti ayaa la soo gabagabeeyay. Shirkaasi ayaa looga dooday arrimo kala duwan oo la xiriira afka soomaaliga iyadoo isla markaana waxyaabo badan oo lagu soo bandhigay. Intii uu shirkani socday ayaa waxaa hareeyay doodo ku saabsan qodobbo aad u tira badan kuwaasoo la xiriiray afka somaliga iyadoo laga eegayo wejiyo kala duwan.
Waxyaabaha doodaha adag ka dhexdhaliyay shirwaynahan waxa ka mid ahaa buug lagu soo bandhigay shirkan kaasoo dejinaya xeerar cusub oo lagu fariisinayo asalka iyo qaabka uu u dhisan yahay afka somaaliga. Waxa uu buuggani tilmaamayaa in meelo badan oo afka somaliga ka mid ah dib loogu noqdo isla markaana waxyaabo badan laga baddalo kuwo kalana lagu kordhiyo. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |