BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 02.07.2003 - 16:23 Wakhtiga London
Wareysi ay BBC-du yeelatahay Mr. Kiplagat
Bethuel Kiplagat, gudiga Farsamada ee Shirka Soomaalida
Bethuel Kiplagat, gudiga Farsamada ee Shirka Soomaalida

Xasan Barise - BBCSomali.com

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee IGAD ahna ergayga gaarka ah ee dowladda Kenya u qaabilsan shirka kooxaha Soomaalida, Mr Bethuel Kiplagat oo aanu wareysi la yeelanay ayaa ka warramay xaaladda uu hadda shirka Soomaaliyeed ku sugan yahay.

Mr Bethuel Kiplagat waxa uu sheegay in uu weli ku taagan yahay waddada saxda ah, ilaa inta uu ogyahay uu shirka kooxaha Soomaalida hal mar oo keliya muddo u qabtay in uu ku soo gebagaboobo 18-kii bishii Juun, haddana waxaa weli jira arrimo aan ka shaqeynayo, mana ahan wax sidaas u buuran, waxaanan ku kalsoonahay in guddiga farsamda oo ka kooban waddamada Djibouti, Ethiopia iyo Kenya iyagoo la tashanaya hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay wax ka qabanayaan arrinta.

Waa run in aan waqti u qabtay shirka, laakiin waxaa ka horyimid mushkilado, waana kuwaas waxa aan hadda faraha ku hayo, laakiin waa in la xusuusnaadaa in hadafkeenna ugu dambeeya uu yahay labo arrimood oo kala ah in dib u heshiin la helo iyo in la sameeyo dowlad Soomaaliyeed, waxaanan hadda ku taagannahay waddadii loo marayey labadaasi arrimood waananna ku guulaysan doonnaa.

Bal fursad ii sii in aan ka hadlo arrinta nagu keentay dib u dhaca ah in 18-kii bishii hore la soo afjari waayo shirka waxay ahayd waxaa jiray saddex arrimood oo aan heshiis ku gaari kari weynay oo aan doonaynay in lagu daro sharciga Soomaaliya lagu dhaqi lahaa kuwaasoo kala ah waa midda koowaade tirada xubnaha baarlamaanka, midda labaadna waxay ahayd muddada ay xafiiska joogayso dowladda KMG ah ee la dhisi doono iyo tan saddexaad oo ahayd qaabkii loo soo xuli lahaa xubnaha baarlamaanka, arrimahaasi aad ayaan uga xaajoonnay, beesha caalamku gacan weyn bey ka geysatay, waxaanan hadda u malaynayaa in aan hadda isugu nimid heshiis dhexe.

Sidaasi darteed, waxaan soo jeediyey in baarlamaanku noqdo 315 xubnood, muddada xilka ay haynayso dowladda la dhisi doonana waa laga heshiiyey, arrinta ugu dambaysana waa habka loo soo xulayo xubnaha baarlamaanka, waxaana la kala joogasaday saddex mowqif oo kala ah waa mide in si toos ah xubnaha hadda jooga ee wufuudda ah looga dhigo baarlamaanka taasoo ay inta badan kooxaha Soomaalida diideen, tan labaadna waa in ay hoggaamiyeyaasha kooxaha soo xulaan xubnaha baarlamaanka, taasina waa la diiday.

Marka waxa aan is-iri meesha la isugu imaan karo waa in ay hoggaamiyeyaashii saxiixay heshiiskii Eldoret oo la tashanaya hoggaamiyeyaasha dhaqanka ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka, firkaddaas ayaananna u gudbiyey Soomaalida, waxaanan filayaa in ilaa caawa ama berri ay soo dhammaan doonto hawshaasi iyadoo ay cid kastana raalli ka tahay, mar haddii taasi laga gudbana dhib weyn baa naga haraya.

Erayga ku saabsan in uu khilaaf u dhexeeyo xubnaha guddiga farsamada ee IGAD, waxaan oran lahaa xitaa haddii la kala qabo fikrado kala du-duwan, weli waan wada shaqeynaa oo ka wada xaajoonna wax kasta, mar kastoo wax laga xaajoonayana wey soo baxaan afkaaro kala du-duwan, laakiin munaaqashooyin kaddib meel baan isugu nimaadnaa, haddana waxaa meel noo yaalla hal mabda' oo ah in go'aan qaadashada ay iska leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee aanan annaga waxba u go'aamin karin, waxaana run in ilaa iyo hadda go'aan kasta oo la qaatay uu ahaa mid ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed gaareen.

Anigana waxaan ahay nin rajo wanaagsan ka qaba hawshan shirka ee hadda socota, waxaana jira fursado badan oo guul noo keeni kara, waayo halkan waxaa jooga inta badan hoggaamiyeyaasha Soomaalida, in kastoo ay qaar dalka dib ugu noqdeen haddana qaar baa soo noqday, laakiin haddana waxaa jira kuwo weli dalka Soomaaliya gudihiisa, iyagana maalin kasta wey nala soo xiriiraan, haddii aysan hawada Kenya iyo Soomaaliya kala xirnaynna mar hore ayeyba na soo gaari lahaayeen.

Runtiina dadka Soomaaliyeed macno la'aan muddo intaas la eg iskama ay joogeen halkan haddii aysan jirin rajo wanaagsan, taas ayaana aniga i hammi-gelisay.

Tan saddexaadna, waa joogitaanka urur goboleedka IGAD oo runtiina muhiim ah si uu u guulaysto shirka, waxayna nala joogaan ilaa markii uu billowday shirka, waxaa intaas dheer beesha caalamka oo iyadana aan ku kala maqnayn meesha, sidaasi darteed dhammaan intii loo baahnaa si uu shirkan u guulaysto wey joogaan, haddii aynaan hadda ku guulaysan shirkanna maba garanayo meel kale amaba shir kale oo lagu guulaysan karo, waana taas farriinta Soomaalida la rabo in ay gaarto, oo in beesha caalamka iyo urur goboleedka IGAD in ay dhammaantood ka go'an tahay in xal waara loo helo mushkiladda Soomaaliya.

Dhinaca Somalilandna, markii aan billaabayey shirkani waan weydiiyey aaway woqooyigii Soomaaliya ee Somaliland, runtiina waxaan awood u helay in aan la kulmo qaar wakiil ka ahaa Somaliland oo halkan iigu yimaadeen, waxayna ii sheegeen in aanay waxba ka jirin koofurta Soomaaliya, sidaasi darteed waxay igu dheheen hore u soco, marka ay koofurtu heer soo gaartana waan ka tashanaynaa, marka haddii aan awoodno in aan heshiis ka hirgelinno koofurta oo aan maamul dowladeed oo shaqeynaya helno oo aan nabad helno, runtii maxaa na xannibaya markaas, waan billaabi karnaa wada hadal, marka hadda looma baahna in la deg-dego waayo sabab aan u deg-degno ma jirto.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.