BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 28.06.2003 - 13:34 Wakhtiga London
Libya oo ka cabanaysa dadka tahriiba
Soomaali ku jirta xerada qaxootiga ee Crontone
Soomaali ku jirta xerada qaxootiga ee Crontone

Aden Sabrie - BBCSomali.com

Maalmihii dambeyey muhaajirin cusub lama keenin xerada Crotone oo ka tirsan gobolka Calabria oo ku yaal konfurta Talyaaniga, maxaa yeelay, lama soo sheegin wax doonyo ah oo ay saaran yihiin dad tahriib ah oo soo gaaray xeebaha konfureed ee Talyaaniga.

Waxaana la isweydiinayaa sababaha hakadka galiyey dhaqdhqaaqa muhaajiriinta oo sida xad-haafka ah ugu soo qulqulaayey ilaa iyo todobaad ka hor xeebahaha konfureed ee Talyaaniga.

Qaar ka mid ah Soomaaliada ku jirta xerada ku taal Crotone, oo ay BBC-du khadka taleefoonka kula xiriirtay ayaa waxey sheegeen in ciidamada amniga Libiya ay hawlgal ka wada xeebahaa ka tirsan degaanka la yiraahdo Zuwara, oo ka mid ah meelaha Soomaalida iyo ummaddaha kaleba ay ka soo raacaan doomaha.

Zuwara waxa ay ku taal meel waqooyi kaga aadan magaalo madaxda Libiya ee Tripoli. Waxaana ay noqotay meesha ugu weyn oo ay saldhigga ku leeyihiin dadka doomaha rara. Libiya ayaa haddaba lagu eedeynayaa in xeebaheeda ay yihiin meesha laga abaabulo safaaradda muhaajiriinta ku soo socda qaaradda Yurub, iyago ka soo dagaya xeebaha konfureed ee Talyaaniga.

Dawladda Libiyana iyadoo ku gacanseereysa eedoyinkaasi la soo jeediyay, ayaa waxa ay tilmaameysaa in anay
kari karin in ay ilaaliso labada kun ee Km ee xeebta dhararkeedu yahay ee dalkeeda, iyo waliba kumanyaalka km oo dhinaca sohdimaha saxaraaga xiga ah.

Masuul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Libiya oo ka jawaabayey eedoyinkaasi waxa uu yiri " ma oggolaaneyno in aanu noqonno kuwa kaliya ee ka masuulka ah ilaalada badda Mediterreeniyanka", waxaana uu ku daray in adduunka oo dhan uu maantay ogyahay in Libiya aanay heysanin wax qalab ah oo ay ku kontorooli karto xuduuda- heeda iyo xeebaheeda.

Waxaa kale oo uu masuulka Wassaradda Arrimaha Dibadda ee Libiya uu sheegay in dalkiisu aanu heysaninin doomo iyo dayuurado xeebaha ilaaliya, sidii loo u celin lahaa dadka isku dayaaya in ay u tahriibaan dalka Talyaaniga, iyadoo waxaasi oo dhan ay ugu wacan yihiin cunqabateynta caalamku uu wali ku hayo dalka Libiya.

Dawladda Libiya waxa horeba u codsatay in laga qaado cunaqabeyta saaraan gaadiidka noocaas ah. Dawladda Talyaaniga oo aad uga walwalsan muhaajiirinta ku soo socota dalkeeda, ayaa waxay ka shaqeyneysa sidii ay ula gaari leheed Libiya heshiis suurtagal ka dhigi kara ka hortagga doonyaha sida muhaajiriinta.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.