BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 28.06.2003 - 08:02 Wakhtiga London
Fikradda Talyaaniga ee Soomaaliyaa
Carlo Ungaro, ergeyga Talyaaniga ugu qeybsan Soomaaliya
Carlo Ungaro, ergeyga Talyaaniga ugu qeybsan Soomaaliya


Xassan Barise - BBCSomali.com



Barise
Ergayga gaarka ah ee dowladda Talyaaniga u qaabilsan Soomaaliya, Mr Carlo Ungaro, ayaa mar kale ka dhawaajiyey in aanay beesha caalamku u arkin 450 xubnood oo baarlamaan ah oo ay Soomaaliya yeelato mid la tallaabsan kara isu dheellitirnaanta dhaqaalaha la heli karo iyo tirada dadka guud ahaan Soomaaliya. Carlo Ungaro waxa kaloo uu ka hadlay arrimaha jamhuuriyadda la magacbaxda Somaliland.

Runtii annaga dowladda Talyaaniga ah ayaa guddoomina shirka ay yeeshaan fadhiga urur goboleedka IGAD iyo waddama daneeya arrimaha Soomaaliya marka laga hadlayo shirka hadda u socda kooxaha Soomaalida. Sidoo kale waxaan nahay mid ka mid ah dowladaha ku bixiya dhaqaalaha ugu badan shirkan kooxaha Soomaalida.

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo uu soo maray shirka, xitaa waxaa jirtay mar aan u qaadannay in aanu shirku siiba socon karin, haddana waa runtii shirku wuxuu marayaa meel xasaasi ah oo adag, waayo waxaan u soo dhowaannay dhammaadka wejiga labaad ee shirka, waxaana loo gudbayaa wejiga saddexaad.

Waxaana jira fikrado badan oo kala du-duwan oo ka imaanaya wufuudda shirka, laakiin annaga waxaan jecelnahay in ay guulaysato fikradda isu tanaasulka, annaguna waxaan ciyaaraynaa door fir-fircoon inkastoo aan korjoogeyaal ku simmannahay, waxaanan gacan geysanaa in guddiga farsamada ee IGAD uu ka guulaysto kala duwanaanshaha fikradeed ee jira.

Dhinaca khilaafka tirada xubnaha baarlamaanka, annaga, beesha caalamka ahaan, dadka Soomaaliyeed go'aan u gaari meyno oo amuurtaasi waa mid u taalla xubnaha ergada Soomaaliyeed ee go'aan gaarista iyagu iska leh. Laakiin, haddana waxaan xusnay in tiro 450 xubno baarlamaan ah oo dadka Soomaaliyeed oo dhowr milyan uun ah ay yeeshaan ay tahay mid waxoogaa aan isu qiyaasnayn.

Waxaan kaloo muujinnay in tiradaasi aanay ahayn mid aad loo maamuli karo, sidaasi darteed waxaan annag talo ahaan xoojinaynaa in ay Soomaalidu ku heshiiso tiro taasi ka yar, haddiise heshiisku noqdo 450 xubnood oo baarlamaan ah annaga sinnaba uma diidi doonno waxa ka soo baxa shirka sababtaasi darteed.

Laakiin haddana waxaa jira su'aasha ku saabsan xagga dhaqaalaha oo 450 xubnood oo baarlamaan ah in la hayo waa wax kharash badan ay ku baxayso, waayo xubnaha baarlamaanku waxay u baahan yihiin mushaharo la siiyo, xafiisyo iyo weliba ciidan ilaaliya, sidaasi darteed ayaan annagu dareensannahay in malaha ay wanaagsanaan lahayd in ay tiradoodu yaraato.

Dhinaca khilaafkaadka waddamada safka hore, waxaan qabaa in dal kasta uu xaq u leeyahay in uu ka fekero maslaxadda dalkiisa, haddana sidaas oo ay tahay waxaan qabaa in farqigii ku kala dhex jiray markii la billaabayey shirka uu hadda aad uga soo yaraaday oo ay hadda xubnaha guddiga farsamadu wada shaqeyntoodu ka wanaagsan tahay sidii hore, waxaanan qabnaa in farqiga ku kala dhex jira waddamada IGAD uu yahay mid laga heshiin karo, aakhirkana waxaan heli doonaa hab wada qanciya dhammaan dhinacyada.

Dhinaca dowladdayda, aniga ma qabo in aanay dowladda Talyaaniga u danqanin Soomaalida, waad xusuusataa billowgii markii ay Soomaaliya kala daadanaysay in aanu ka mid ahayn waddamadii Qaramada Midoobay ee sida fir-fircoon uga hawlgalayey dalka.

Laakiin markaasi kaddib, caam ahaan Soomaaliya waxay u muuqatay mid baqdin gelinaysa cid kasta mana ahayn Talyaaniga oo keliya ee cid kasta ayaa ka baqday mana qabo in ay sax ahayd in dadka la baqdin geliyo, runtiina cidna markaasi maba doonaynin in ay Soomaaliyaba soo hadal qaaddo, waayo waxaa loo arkayey meel laga quustay.

Laakiin, maaddaama ay hadda rajadu dib u soo noolaanayso waxaad arkaysaa in mar kale ay beesha caalamka guud ahaan danaynayso arrimaha Soomaaliya, gaar ahaanna dalkayga.

Dhinaca hirgelinta waxa ka soo baxa shirkanna, hadda waxaa jira qorshooyin aanan hadda doonaynin in aan faah-faahiyo, laakiin qorshuhu waxa weeye in la helo ciidan Afrikaan ah oo ay soo abaabulaan Midowga Afrika, dabadeedna Midowga Yurub waxa ballanqaaday in uu bixiyo wixii ku baxaya dhammaan dadaalka hub ka dhigista, xareynta maleeshiyooyinka, dhaqancelintooda, laakiin hadda inkastoo ay wax isbeddeli karaan haddana ma jirto dowlad reer Yurub oo ku fekeraysa in ay ciidan keento Soomaaliya si ay amuurtaasi uga qeyb qaadato.

Ugu dambayntiina, urur kasta oo caalami ah ilaa Qaramada Midoobay waxaa la xaqiijiyey lana rumaysan yahay xormaynta dhul ahaan ee Soomaaliga, annagana Talyaani ahaan waxaan beesha caalamka la wadaagnaa fikirkaasi, waxaanan dareensannahay haddii xaalad gaar ah loo aqoonsanyo Soomaliland waxaa laga heshiin karaa marka ay Soomaaliya yeelayo dowlad, laakiin xaqiiqdii waxay noqonayaa arrin khaldan in hadda laga hadlo labo Soomaaliya, waayo waxaa jirta hal Soomaaliya, dadku waa mid, luqaddu waa mid, diintuna waa mid, waxaanan rumaysannahay in mushkiladda xal loo heli doono.

Waxaa kaloo jirta in dad badani ay ka cabanayaan in aanan Somaliland la casumin, taasi run ma ahan, waayo aniga nafsad ahaanteyda ayaa Hargeysa tegay saddex jeer, markii hore waxaan la kulmay madaxweynihii hore, Mr Cigaal, kaddibna madaxweynaha hadda jooga, waxaanan si xoog leh ugu boorriyey in ay ka soo qeybgalaan shirkan, waanay iska diideen oo sidaasay u arkeen maslaxaddooda, laakiin iyadoo la eegayo diidmadoodaasi darteed in shirkani loo arko mid khuseeya koofur Soomaaliya oo keliya waxaan qabaa in ay tahay arrin khaldan, waayo taasi ma ahan ula jeeddada qaban-qaabiyeyaasha shirka amaba ula jeeddada beesha caalamka.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.