| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Sabti, 28.06.2003 - 13:00 Wakhtiga London
Cabdirisaaq Catoosh - BBCSomali.com
Asli Xassan Cabaade oo BBC-da u warantay ayaa waxay sheegtay in ay horay uga qayb gashay shirkii lagu qabtay dalka Jabuuti Hadana ay Dalkan Kenya u timid in ay ka qayb gasho shirka hada ka socda magaalada Nairobi mar ay ka hadlaysay sababta ay mar walba ugu soo noqnoqoto shirarka soomalidana. Asli waxa ay sheegtay in inkastoo ay dalka Maraykanka degan tahay hadana uu wax ka maqan yahay oo aysan u dhalan dalkaasi Maraykanka. Waxay Kaloo ay sheegtay in ay hada u ololaynayso sidii loo soo celin lahaa calankii soomaliya. Waraysi dheer oo ay BBC-du la yeelatay ayaa waxay ku sharaxday sababta ay mar walba calanka Soomaliya ugu dhex wadato shirarka Soomalida iyo waliba rajada ay is leedahay waa ay ka soo bixi karaan shirarkan iyaga ah.
Waxaa kaloo ay Asli u sheegtey BBCda in ay haddana diyaar u tahay, in ay dadka dhamaan isu soo jiido, hadday ahaayn lahaayeen hogaamiye kooxeedyada iyo dadka kaleba. Iyadoo intaasina ku dartay in loo baahan yahay in la isu tanaasulo oo la midoobo oo waliba la iska ilaawo wixii dhacay.
Asli Xassan Cabaade mar ay ka waramaysay reerkeeda waxa ay sheegtay in leedahay nin iyo afar caruur ah; sadax wiil iyo gabar curad u ah oo sideed iyo tobon jir ah. Asli oo ninkeeda uu Maraykan yahay, ayaa waxa ay sheegtay in gabadheeda weyn ee curada ah ay mar walba u sheegto in ay Soomaliya gayso oo ay jeceshay in ay Jaamacada Moqdisho ka dhigato. Caruurteedana ay niyada ku hayaan in Soomaliya ay yimaadaan. Asli waxay xustay in nolol walba oo ay Maraykanka ku haysato ay haddana dalkeedii tabayso. Mar Asli la weydiiyay maadaama ay wada joogaan nin shisheeye ah sida bal uu u arko howshan ay ku dhex jirto? Asli waxay ku jawaabtay in saygeedu uu si wanaagsan u arko, uuna ku baraarujiyo mar walba howshan iyada ah Soomaliyana ilaa sideed jeer uu tagay, iyadoo dhoola cadeynaysa asli ayaa waxay tiri, "wuuna soo arkay sharaftii uu lahaa dalkeenii Soomaliya, isagaana ayaan mar walba ii soo fasaxa safaradan." Waxayna intaasi raacisay, in mar walba ay caruurteeda soo wacaan oo ay weydiiyaan arimaha shirkan hadda socda. Waxayna ku soo gabagabeysay in reerkeeda ay rajaynayso in ay mar dhow u sheegto jawaab farxad leh. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |