BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Jimce, 27.06.2003 - 13:33 Wakhtiga London
Nolosha Soomaalida u tahriibtay Talyaaniga
Dhibaatooyin badan ayay Soomaalidu kala kulmaan tahriibka
Dhibaatooyin badan ayay Soomaalidu kala kulmaan tahriibka

Aden Sabrie - Corotore Italy

Xerada ku taalla degmada Corotone ee ka tirsan gobolka Koonfureed ee Kalabriya ee dalka Talyaaniga, waa xero military oo loo habeeyay si ku meelgaar ah in la dajiyo dadka aan sharciga haysan, waana xero ay ilaalinayaan ciidamo ka tirsan booliiska, siligna lagu wareejiyay oo dadka ku jira aan loo ogolayn in ay ka baxaan, ilaa iyo inta looga soo jawaabayo codsigooda ay magangalyada ku doonayaan.

Xeradan, waxay qaadaa ilaa 1200 oo qof, waxaana ay ka mid tahay xeryaha ugu waawayn ee ku yaalla koonfurta Talyaaniga, waxaana dadka la dajiyaa guryo ka samaysay konteenaro iyo guryaha yar yar ee ah baabuurta la jiito.

Waxaa dadka muhaajiriinta ah ee ku jira xeradan loo kala qaybiyaa qowmiyado, iyadoo intii isku dad ahba meel la wada dajiyo.

Soomaalida haatan ku jirta xerada Corotone, waxay tiradadoodu ku dhow dahay ilaa boqol qof oo isugu jira tobaneeyo dumar ah, laba caruur ah iyo intooda badan oo ah dhalinyaro labaatan jirro ah, kuwaasi oo badankooda tahriib ku soo galay xeebaha Talyaaniga, iyagoo doomo ka soo raacay dalka Libya.

Waxaa ay ka mid ahaayeen dadka bishan June gudaheeda la socday doonyihii soo gaaray xeebaha Talyaaniga.

Nolosha xeradu ma xuma, dadkana waxaa la siiyaa raashin ku filan, inkastoo ay Soomaalidu deganaan ka muuqato, hadana waxaa la dareemayaa dhibatooyinka iyo rafaadka ay soo mareen intii ay ku soo jireen safarka ay ku soo gaareen xeebaha talyaaniga.

Marka ay kaaga sheekeeyaan safarkaasi oo ay kuu sheegaan in dad badan ay u dhinteen gaajo iyo oon intii ay soo marayeen lama degaanka saxaraha ee u dhaxeeya Libya iyo Sudan ilmo ayaa kaa imanaysa.

Wiil ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku sugan xerada Korotoore oo la yiraahdo Cabdullaahi Gacmoole, oo ka go'an labada gacmood, ayaa ii sheegay hadii wax la iga maqlayo cidna kulama taliyeen in ay gasho safarka aan soo galay, waxaana ku tilmaami karaa ayuu yiri safarka aan soo galay Naar ka soo carar oo Naar kale ku dhac.

Meesha ugu daran oo hadii aad lacag haysato waxa ugu horeeya aad gadanayso ay tahay karfantaada, ayaa ah lama degaanka saxaraha oo kooxaha dadka xambaarana ay yihiin kuwo aan naxariis lahayn, waa bad ciid ah oo jihaduna ay kaa lumayso, waxaana Soomaali badan oo u la'deen biyo la'aan.

Waxaa la gaaray ayuu yiri oon awgii ay muhaajiriintu kaadidooda ay baco ku shubtaan si ay noloshooda ugu badbaadiyaan.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.