BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Arbaca, 25.06.2003 - 18:25 Wakhtiga London
Cabdiqaasim Salaad Xassan oo la kulmay Kiplagat
A/qaasim Salaad Hassan
A/qaasim Salaad Hassan

Mohamed Adde - Nairobi

Madaxweynaha Dowaladda Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa waxaa uu shir galabta ku la yeeshay Hotelka uu degan yahay ee Grand Regent, masuuliyiinta ka kala socoda dowladdaha daneynayey shirka Soomaalida iyo kuwa deeqda bixiya oo ay ku jiraan Mareykanka, Yurub, Talyaaniga iyo Jaamacada Carabta iyo Midowga Afrika.

Waxaa Madaxweynuhu si cad ugu sheegay masuuliyiintaas, in dowladda ku meel gaarku ay taageersan tahay aragtida ay soo jeediyeen beesha Caalamka, isla markaana ay dowladda ku meelgaarku ku dhaqaaqeyso sidii arrimaha ay dhankeeda uga fulin lahaayeen .

Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad xassan ayaa waxaa kale oo uu la kulmay Bethwell Kipligaat, waxuuna u sheegay mowqifka dowladda KMG-ka ah ee rasmi ee arrimaha la isu mari la'yahay. Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in tirada barlamaanka laga dhigo 250, qabiilna lagu qeybsado.

Waxaa uu intaa raaciyay 361da ergda ah ee hadda shirka joogaa in aan yaga laga dhex dooran xubnaha baarlamaanka, isla mar ahaantaana aysan dooran xubnaha baaramaanka.Haddii ay taasi dhacdana in dowladda KMG-ku aysan shirka ka qeyb qaadaneyn.

Madaxweyne Cabdiqaasim waxaa uu marka kale ku eedeeyey dowladda Ethiopia in ay qas ka dhex wado shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, oo ay ka shaqeyneyso sidii uu shirkaasi ku fashilmi lahaa.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.