| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 25.06.2003 - 08:29 Wakhtiga London
Xassan Barise - BBCSomali.com Waxaa mar kale dib uga furmay kulankii Soomaalida xarunta Mbagathi ee magaalada Nairobi oo beryahanba aanay wax shir ahi ka socon kaddib markii la isku mari waayey arrimo dhowr ah oo ay ku jireen tirada xubnaha baarlamaanka iyo cidda soo dooranaysa. Kaddib wada tashiyo gaar-gaar ah oo uu guddoomiyaha shirka, Mr Bethuel Kiplagat, la yeelaneyey hoggaamiyeyaasha Soomaalida ayey maanta suurtogashay in uu shirku dib u furmo, laakiin haddana qeyb dhan ayaa ka carootay shirkii oo dibadda uga baxday. Waxay qaadataa waqti in xitaa la isugu yeero hoggaamiyeyaasha Soomaalida si ay uga wada qeybgalaan shirarka wada tashiga waayo waxay kala deggen yihiin meelo kala du-duwan oo magaalada Nairobi ka tirasan, waxaana intaasi u dheer in nin kasta uu marka hore iska hubiyo waxa la doonayo in maalintaasi laga wada hadlo. Maanta ayey haddaba guddiga hoggaamiyeyaasha Soomaalida, guddiga farsamada ee IGAD iyo waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa deeqda bixiya isugu yimaadeen madashii shirka, laakiin waxaa durbadiiba shirka isaga baxay oo qaaddacday kooxda SRRC. Kooxdan SRRC-du waxay isla tageen meel goonni ah oo geedaha hoostooda ah oo ay ku dalbadeen in kuraas loo dhigo dabadeedna ay shir gaar ah ku qaateen iyadoo intii kalena uu shirkii uga sii socday hoolkii shirka. Muddo markii ay kulankooda gaarka ah wateen ayuu shirkoodii u dhammaaday, waxaanan si gaar ah ugala hadlay sababta ay shirka uga soo baxeen Xuseen Maxamed Caydiid oo isagu shalay uun Nairobi ku soo noqday.
Markii aan haddaba eegay hadalka Xuseen Maxamed Caydiid iyo wixii ay inta kale ee beesha caalamka, ururka IGAD iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaalida ka hadlayeen ayaa waxaa ii soo baxday in uu jiro is-afgaran waa, waayo ajendahii horyaallay intii kale ayaa waxaaba ka muuqatay in aanan weli laga bixin wixii la isku ogaa oo ay ka mid ahaayeen in dowladda KMG ah ee la dhisi doono ay xafiiska fadhin doonto muddo shan sano ah, in tirada baarlamaanka ay noqon doonto 450 xubnood, baarlamaankaasina uu ahaado mid aqal keliya ah iyo in siyaasiyiintii saxiixday heshiiskii joojinta colaadaha oo la tashanaya hoggaamiyeyaasha dhaqanka ay wadajir u soo xulaan xildhibaannada baarlamaanka mustaqbalka, kuwaasoo ahaa dhammaan wixii ay wax ka saxiixeen kooxaha oo ay ku jirto SRRC-da. Haddaba, kulankan ay ka maqnayd SRRC-da ayaa haddana waxaa loo hakiyey waqti qado, iyadoo ay doodi ka taagnayd qodobkii soo xulidda xubnaha baarlamaanka, waxaana doodda ugu xoogga badan watay xubnaha dowladda KMG ah. Sakariya Maxamuud Xaaji Cabdi oo ah wasiirka waxbarashada sare ee dowladda KMG ah ayaan xilligiisii waqtiga qadada uga faa'ideystay in aan weydiiyo waxay ay dowladda KMG ah ku diiddan tahay in ay xubnaha baarlamaanka soo xulaan saxiixeyaashii heshiiskaasi joojinta colaadaha oo la tashanaya hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo waxa ku jaban.
Waxuuna yiri, "Waxaa ku jaban oo aan arrintaasi ku dhibsanayo waxa weeye hadda sida la ogtahay 23 qof baa wax saxiixday, 23-kaas qof qabaa'ilka Soomaalida oo dhan ma ahayn, xitaa hal qabiil baa 3 ama 4 waxay leeyihiin saxiixe, intii kale halkee la geynayaa, qabaa'ilka kale yaa wakiil u noqonaya haddii aysan saxiixe meesha ku lahayn, annag waxaan ka hadlayno waa caddaalad" Ugu dambayntii shirkani waxa uu maanta soconayey isagoo gaabis ah, laakiin aanay fogeyn in la helo xal maaddaama aanay wax weyn ku kala dhex jirin kooxaha. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |