|
|
 |
 Talaado, 24.06.2003 - 17:21 Wakhtiga London
 |
Waraysi ay BBC-du la yeelatay Jaamac Maxamed Qaalib 
Jaamac Maxamed Qaalib |
Kadib markii uu ku xirnaa muddo laba maalmood ah magaalada Hargeisa, ayaa Jaamac Maxamed Qaalib, waxaa loo masaafuriyay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Waraysi aanu la yeelanay isagoo jooga magaalada Jabuuti, ayaa waxaanu waydiinay sababta uu u tagay magaalada Hargeysa, wuxuuna ku jawaabay in uu u tagay magaalada Hargeisa si uu u booqdo caruur uu dhalay iyo dad qaraabadiisa ah, waxaa uu sheegay in uusan u arkaynin in ay dambi tahay in uu magaaladiisa booqdo, waxaa kaliya ee lagu haystayna ay tahay fikirkiisa ku saabsan Soomaali wayn.
Waxaa uu sheegay in uusan u arkin in uu dambi yahay in uu fikirkiisa wato, isagoo sheegay in uusan dhibaato kaga maqnayn Somaliland, waxaa uu ku tilmaamay qabashada la qabtay mid ayaandarro ah oo aysan haboonayn in qof fikirkiisa loo qabto.
Mar BBC-du du wax ka waydiisay intii uu xirnaa halka lagu hayay, Jaamac Maxamed Qaalib, wuxuu sheegay in intii uu xirnaa lagu hayay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeisa oo uu sheegay in intii uu ku jiray si wanaagsan loola dhaqmay, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka la baxay Somaliland ay u soo jeediyeen laba arrimood, oo kala ah in mabda'a uu qabo uu ka noqdo oo uu Hargeisa iska joogo ama in la musaafuriyo, isagoo sheegay in mabda'iisa aan laga weecin karin, sidaa darteedna uu doortay in uu magaalada isaga tago.
Waxaa BBC-du waydiisay waxa uu ka ogaa weerarka lagu qaaday garoonka diyaaradaha General-ku, wuxuu sheegay in dadkii soo weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Hargeisa ay ahaayeen dad diidan habkii la doonayay in looga dhoofiyo magaalada Hargeisa, isagoo intaasi ku daray in uusan tiradooda garanayn intii ay ahaayeen, maadaama uusan ka warqabin dagaalka dhacay, balse ay u sheegeen dadkii xabsiga ku booqday sida ay wax u dhaceen.
Ugu dambayntiina General Jaamac Qaalib oo la waydiiyay in uu ku laabanayo magaalada Hargeisa, wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay goor ay ahaataba in uu ku noqdo magaalada Hargeisa, oo uu tagayo marka uu dhamaado shirka Mpagathi.
|
 |
| NAGALA
SOO XIRIIR |
 |
| Email:
somali@bbc.co.uk |
 |
Qoraalka
Noo soo Dir:
BBC
Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B
4PH |
Tel:
+
44 020 7557 1631

Fax:+
44 020 7497 1374 |
|