| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 22.06.2003 - 09:34 Wakhtiga London
Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.com Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta u ololeeya midnimada Somaaliya, oo haatanna ka qayb gelayay shirka kooxaha soomaaliya uga socda Nairobi, ayaa shalay maqribkii ay ciidanka boliiska ee Hargeysa jeelka u taxaabeen. Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib siday ii sheegeen askarta boliiska ee gegida dayuuradaha ee EGAL INTERNATIONAL AIRPORT waxaa la qabtay isagoo ka soo degay dayaarad ay leedahay sharikadda DALLO AIRLINES shalay maqribkii, duulimaadkaasi oo ka yimid Nairobi, soona maray jabuuti. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyada La magac baxaday Somaliland, Ismaaciil Aden Cusmaan oo faahfaahin ka bixiyay xadhiga generaalka wuxuu ii sheegay in jaamac maxamed qaalib-waa siduu hadalka u dhigaye-uu u banbaxay had iyo jeer minjaxaabinta jiritaanka qarannimada Somaliland, taasoo uu marar badan ka qayb galay ayuu yidhi shirarka somaliweyn oo uu kaga dodo inaanay Somaliland marnaba goonni isutaagi kareyn . Wasiirku wuxuu intaa ku daray inay ka warqabaan in maalmo ka hor uu jaamac maxamed qaalib isagoo dhex fadhiyay genneraalladii xasuuqa ka geystay Somaliland ee moorgan iyo gaanni shirka kooxaha soomaliya ee Nairobi uu kaga doodayay hub ka dhigista Somaliland. Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland Ismaaciil Aden Cusmaan wuxuu kaloo sheegay inay muddoba isha ku hayeen dhaqdhaqaaqa jaamac maxamed qaalib, kana warqabeen imaatikiisa hargeysa oo ay usii diyaargaroobeen. Wuxuu sheegay wasiirku in markii boliisku qabteen generaal jaamac la mariyay nidaamka sharciga u yaalla Somaliland markiiba , iyadoo la mariyay buu yidhi xeer ilaalinta , garsoore maxkamadeedna la horkeenay sidaana xabsiga loogu gudbiyay . Wasiirka oo aan weydiiyay waxa jaamac maxamed qaalib uu kaga duwanyahay dadkii isaga la midka ahaa oo qaar badani ay haatan si xor ah ugu noolyihiin magaalinka Somaliland ? wuxuu ku jawaabay wasiirku inay jiraan dadkaasi laakiin ay markii hore cafis dawladda Somaliland u soo qorteen. Wuxuu intaa ku daray wasiirku ismaaciil aden cismaan in Jaamac Maxamed Qaalib uu iska yimid isagoon wax cafis ah soo qoran. Dhinaca kalena, Guriga Jaamac maxamed qaalib oo maanta aan tegay ayaa waxaan kula kulmay wiil uu dhalay oo la yidhaahdo Cabdiraxmaan Jaamac Maxamed qaalib wuxuuna ii sheegay in loo diiday saaka inuu arko aabihii markii uu doonay inuu jeelka ugu geeyo gogol iyo cunto , ilaa iyo haatanna aanu garaneyn waxa aabihii lagu xidhay ee loo haysto. Wararka qaar ayaa sheegaya in generaal Jaamac Maxamed Qaalib uu u socday magaalada muqdisho laakiin waqtiga oo madow noqday ay diyaaradda noqotay in ay u hoyato hargeysa markii ay dhigtay rakaabkii u socday hargeysa. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |