| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 18.06.2003 - 16:26 Wakhtiga London
Yusuf Hassan - Nairobi Iyadoo weli uu socdo Shirkii Dib u heshiisiinta Soomalida maantana ay ku beegan tahay taariiqdii uu guudoomiyaha shirkaasi Mr Kipligat uu sheegay in la dhisayo Dowlad Soomaliyeed, ayaa ilaa hada aysan jirin wax dowlad ah oo la dhisay. Gudoomiyaha shirka Kipligat shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay madasha shirka ayaa waxa uu sheegay in gudagalka wejigii seddexaad ee shirka dib loo dhigay ilaa 30ka bishaan . Hadaba Shirkan oo socday mudo sideed bilood iyo sadax maalmood ayaa waxaa la isweydiinayaa ilaa iyo hada waxa qabsoomay. Abuukaate Maxamed Sheeq Gabyow oo ka mid Gudiga Dastuur dejin ayaa isagu waxa uu qabaa in waxa ugu weyn oo qaqbsoomay ilaa iyo hadda in yihiin dad aan kulmi jirin oo kulmay isna salaamay. Cawad axmed Casharo oo isagana ah Afhayeenka Dowlad Goboleedka Puntland, ayaa dhinaciisa waxa uu muujinayaa dareenkiisa ku aadan sida ay wax u socdaan, waxaana uu sheegay in ilaa iyo hadda wax badan qabsoomeen oo lagu heshiiyey tirada Xubnaha barlamaanka iyo qaabka lagu qaybsanayo uuna rajeynayo inta bishan ka dhiman in lagu dhameeyo waxa harsan oo la dhiso Dawlad qaran. Waxaa isaguna sidoo kale qaba in ay wax badan qabsoomeen Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish oo ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha ka qaybgalaya shirka, waxaana ka mida ayuu yiri waxa qabsoomay in dad iska soo jorjeeday ay isbarteen saaxiibeenna. Si kastaba ha ahaatee, Ambasadar kiplagat ayaa isaguna waxa uu arkaa Ilaa iyo hada in ay dhamaystirmeen intii badnayd arimihii wejiga labaad looga hadlayay oo ay ka mid yihiin Warbixinadii shanta ahaa ee ay soo gudbiyeen shanta guddi. Waxaana lagu heshiiyay qaabka ay dowladu noqonayso, In la doorto 450 Xilibaan oo baarlamaanku uu ka koobnaan doono taasoo lagu qaybsanayo afar Qabiil iyo bar, inkastoo lagu muransan yahay in xilibaanada laga dhex doorto ergada hada shirka joogta iyo in laga soo doorto dad ergooyinka ka baxsan. Hase yeeshee waxaa la isku waafaqsan yahay ayuu yiri in afar Qabiil iyo bar lagu qaybsado, uuna aaminsan yahay in ugu dambaynta meel la isugu iman doono oo xal la gaari doono hasae yeeshee, uusan garanayn inta ay qaadanayso. Si kastaba ha ahaatee, shir ay maanta isugu yimaadeen Mas'uuliin ka socda Dawladaha deeqda bixiya iyo gudiyada farsamada ayaa Dawladaha deeqda bixiya waxa ay sheegeen in aaney kaalmo siin doonin baarlamaan tiradiisu ay gaareyso 450 xubnood iyagoo ku taliyey in tirada baarlamaanka lagu koobo 250 xubnood. Waxay kaloo ku taliyeen in ay soo doortaan xubnaha barlamaanka hogaaamiyeyaalka dhaqanka oo latashanaya hogaamiyeyaalka siyaasadda, arrintaani waxay ka soo horjeeddaa heshiis ay horey ugu heshiiyeen hogaamiyeyaasha kooxah, oo ahaa in barlamaanku noqdo 450 xubnood oo ay doortaan hogaamiyayaasha kooxaha oo latashanaya odayaasha dhaqanka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |