| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 15.06.2003 - 07:07 Wakhtiga London
Waxaa shir jaraa'id oo ballaaran xaruntiisa ku qabtay madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, halkaasoo uu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyneyd xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka kooxaha Soomaalida hadda uga socda dalka Kenya. Shirkaasi jaraa'id oo ka dhacay xarunta madaxtooyada dowladda KMG ah, ayuu madaxweynaha dowladda, Cabdiqaasim Salaad Xasan, kaga hadlay arrimaha hadda ugu culus ee aragtida dowladdiisa ee shirkaasi. Cabdiqaasim waxa uu sheegay in aanay dowladdiisu sinnaba u aqbalaynin in Soomaaliya loo kala qaad-qaado gobollo ama in shirka hadda kooxaha Soomaalida uga socda dalka Kenya uu noqdo mid tarjumaaddiisu noqoto shir koofur Soomaaliya ay leedahay, wuxuuna si caro leh Cabdiqaasim uga hadlay shirka oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid ay dowladdiisu codsatay. Cabdiqaasim waxa kaloo uu sheegay in hadda muranka socda ee ku saabsan in dalka magaciisa uu noqdo Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ahayn wax suurtogal ah waqtiga la joogo, waayo wuxuu yiri weli ma kala cadda sida federaalkaasi noqonayo, soohdimaha gobollada iyo waxyaabo kaloo badan, sidaasi darteed waxa uu muujiyey in federaal lagu soo boodo uu ka dhigan yahay in Soomaaliya la doonayo in ay fowdo dib u gasho oo qabiilba qabiil qabsado iyo gobolkan annagaa iska leh iyo wax la mid ah oo ujeeddooyin gurracan laga leeyahay sida uu hadalka u dhigay. Cabdiqaasim waxa uu sheegay in uu oggolyahay in dowlad KMG ah la sameeyo kaddibna ay labo sano kaddib iyadu diyaariso nidaamkii federaalka ahaa ee mustaqbalka dalka lagu xukumi lahaa oo dadkana loo diyaariyo noocaas siyaasadeed. Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu si weyn u eedeeyey dowladda Itoobiya iyo weliba dowladda Mareykanka oo sida uu sheegay u dadaalay sidii Soomaaliya loo baabi'in lahaa iyadoo lagu soo dhuumanayo magaca argagaxiso, dabadeedna la baabi'iyo dowladdiisa iyo magaca Soomaaliyeed. Ugu dambayntii Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu muujiyey in uu dhowaan u kicitimi doono dalka Kenya oo uu sheegay in uu casumaad rasmi ah ka helay madaxweyne Mwai Kipaki. Ambabaxa Cabdiqaasim ee Kenyana waxa uu ahaa mid hore loo filayey oo dhowr jeerna uu dib u dhac ku yimid sababo aanan la sheegin, waxase uu ka dambeeyey kaddib markii la sheegay in la soo afjaray khilaafkii u dhexeeyey dowladda KMG ah madaxdeeda sar-sare gaar ahaanna madaxweeynaha, ra'iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |