| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 12.06.2003 - 13:04 Wakhtiga London
Maxamed Caddow - BBCSomali.com Gudoomiyaha shirka Soomaalida uga socda wadanka Kenya Mr Bethwel Kiplagat ayaa dhowaan sheegay in shirka dowlad looga dhawaaqi doono ugu dambeyn 18-ka bisha June waxaan Mr Kiplagat ka wareysanay sida arintaasi u suuragaleyso iyo arimo kale oo la xiriira shirka. Mr Bethwel Kiplagat waxaa uu sheegay in isaga uu ku socdo, qorshihii loogu talo galay shirka oo ay iska kaashadeen, wufuudda Soomaalida waddamada Soomaaliya deriska la ah iyo waddamada deeqda bixiya ee Shirka maalgelinaya. Waxaa uu sheegay in shirka haatan uu maraya marxalad wanaagsan oo lagu jiro dabayaaqada qeybta labaad ee shirka oo waxa harsan ay tahay oo kiliya doorashada baarlamaan iyo madaxweyne uu yeesho waddanka Soomaaliya. Tirada xubnaha Baarlamaanka Kiplagat waxaa uu intaasi ku daray in maanta iyo berito laga doodi doono tirada uu ka koobnaan doono Baarlamaanka oo uu sheegay in tirooyinka la isku hayo ay yihiin 450, 350 iyo 250 islamarkaana uu filayo in tanaasuulaad ay imaato dooddanina la soo gabagabeeyo isla berito si loogu hawlgalo waxaaha kalee shirka. Waxaa kaloo laga xaajoonayaa ayuu yiri in waddanka uu yeelanayo laba ama hal aqal. Mr Kiplagat mar aan weydiiyay in isaga lafsad ahaantiisa uu aaminsanyahay in waqtigan uu qabsaday uu macquul u yahay in dhammaan hawlahaasi lagu fuliyo, iyadoo maanka lagu hayo inta uu la egyahay kala duwaanaanta afkaarta ee wufuudda shirka siiba kuwooda ku wajahan axddiga qaranka ayaa Mr Kiplagat waxaa uu ku jawaabay inaan hawl la qaban kareynin iyadoo aan la sameynin qorshe hawleed iyo waqti go'an oo lagu fuliyo. Waxaa uu guddoomiyaha shirku sheegay in uu ku rajo weyn yahay in Soomaalida ay isu tanaasuli doonto, oo markaasi shirku uu xilligan uu gooyay uu ku dhammaan doono. Dhaqan-gelinta natiijada shirka Balse waxaa uu qiray in haddii wufuudda shirka iyo dhammaan dadka kale ee ku howlan ka mira dhalinta shirka ay u arkaan in ay tahay laga ma maarmaan hal ama laba maalmood oo kale lagu darayo xiliga shirka balse uu intaasi ku ekaan doonin. Waxaa uu sheegay in inta badan hoggaamiye kooxeedyada ay ku suganyihiin shirka, mar haddii la isku waafaqo tirada baarlamaankana xubnaha lagu qeybsan doono hab beeleed ee ku saleysan waxa uu ugu yeeray habka 4.5 oo u dhiganto afar beelood oo waaweyn iyo beelaha iyagu laga tirada badanyahay. Waxaa uu Kiplagat sheegay in hoggaamiye kooxeedyada iyo hogaamiyeyaasha dhaqanka ay iska kaashan doonaan arimaha la xiriira hubinta heybta iyo mudnaanta dadka ka mid noqon doono baarlamaanka. Mar aan Mr Kiplagat weydiiyay sida natiijooyinka shirkan ka soo baxa loo dhaqan gelin doona iyadoo natiijooyinka shirar badan oo hore loo qabtay lagu hongoobay ama qaar ka mid ah ay noqon waayeen ku taabba gala. Ayaa waxaa uu ku jawaabay in iyaga oo ka shidaal qaadanaya, shirrka hore Soomaalida loogu qabtay iyo weliba shirar waddamada kaloo afrikaan ah loo qabtay ay u caddaatay in waxa ugu weyn ee loo baahanyahay ay tahay in inta badan kooxaha laga qeyb geliyo shirka iyo wada xaajoodyada iyo in la sugo amniga halka dowladdaasi la geynaya. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |