| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 10.06.2003 - 07:32 Wakhtiga London
Yusuf Xassan - BBCSomali.com Magaalada Nairobi ee Dalka ayaa maalmahaanba waxaa si isdaba jooga ugu soo qulqulayey Somaali kakala timid Soomaaliya iyo Dalalka dibadda, si ay uga qayb qaataan wajiga seddexaad ee shirka ee lagu wado in uu bilawdo Todobaadyada soo socda. Labadii maalmood oo la soo dhaafay ayaa waxaa soo gaaray Magaalada Nairobi in ka badan 50 xubnood oo ka socda DKMG oo ay kala hogaaminayeen Rai'sul Wasaaraha DKMG Xasan Abshir Faarax iyo Ra'isul Wasaare ku xigeenka Cismaan Jaamac Kaluun, xubnahaasuna waxay isugu jiraan Xidhibaanno , wasiiro iyo goob joogayaal . Ujeeda Wafdiga DKMG ayaa Rai'sul Wasaarahu waxa uu ku sheegay in ay tahay in ay shirka xoojiyaan , muujiyaanna midnimada DKMG ah si loo gaaro, ayuu yiri, dhismo Dawlad loo dhanyahay oo Qaran . Xasan Abshir waxaa kale oo intaas ku daray in lafilayo maalmaha soo socda in ay yimaadaan Magaalada Nairobi Wafdi kale oo uu hogaaminayo Madaxweynaha DKMG Cabdi Qaasim Salaad Xasan. Hase yeeshee Masuuliin ka tirsan DKMG ayaa ii sheegay in weli uu jiro Khilaaf u dhexeeya Cabdalla Deeroow Isaaq Gudoomiyaha Barlamanka iyo Madaxweynaha Ku meel gaarka ah Cabdi qaasim salaad Xasan arrintaas oo hadda xalinteeda lagu gudo jiro.
tiliyaha gudoomiyaha shirka Soomalida, Bathwel Kibligat, ayaa BBCda u sheegey in imaashaha wafuudan ay tahay arrin wanaagsan oo hididiilo weyn galineysa shirka dib u hashiisiinta Soomaalida. Gudoomiyaha Shirkuna uu sheegey, ayaa uu yiri Maxamed,in khilaafka dowladda Ku Meel gaarka dhexdeeda uusan wax faa'iido ah laheyn. Sidoo kalena kooxahaa kale oo hore u mudeysaa in ay is sii khiaafaan ay iyadana maslaxad ku jirtaa aysan jirin. Afhayeenku waxaa kale oo uu sheegey in xubnihii dowladda ku meel gaarka ah ka joogey shirka in ay muujiyeen asluub wanaag iyo iyaga oo si joogta ah shirka uga qeyb qaata. |
|
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |