| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 03.06.2003 - 06:59 Wakhtiga London
Aden Sabrie - BBCSomali.com Hawada oo ficaan iyo badda oo daggan ayaa waxaa ey sababayaan in doonyo badan oo sida dad muhaajiriin ey ku soo qulqulaan xeebaha konfurta Talyaaniga. Ku dhawaad kun qof oo u kala dhashay dalal kala duwan ayaa 48 saacadood ee dambeeyey soo gaaray xeebaha ku yaal gobolada konfurta Talyaaniga. Dadkaasi waxa la sheegay inay u kala dhasheen Soomaaliya, Kurdistan, Pakistan, Mauritania, Sudan, Falastiin, Hindiya, Gana, Ciad iyo Liberia. Iyago saarnaa doonyo laga naxaayo sida ey u baaba'san yihiin ayaa dadka muhaajirinta ah qaarkood, waxaa u soo gurmaday ciidamada xeebaha ilaaliya ee Talyaaniga inta aanay la gaddomin doomaaha, qaar kalena waxaa u suurogashay inay soo gaaraan ilaa iyo xeebta. Doon aad u yar oo dhererkeeda lagu qiyaasay 15 mitir waxaa ciidamada xeebaha ilaaliya ee talyaaniga ey ku arkeen uguna soo gurmadeen meel konfur kaga aadan jasiiradda yar ee la yiraahdo Lampedusa ee ka tirsan gobolka Sicilia. Waxa saarna 200 oo qof oo isugu jiray Soomaali, Ciraaqiyiin iyo Falastiniyiin. Waxaana ka mid ahaa laabatan dumar oo mid xaamilo tahay iyo labaatan caruur. Saacadihi ka horreyey doon siday 137 qof oo la sheegay inay Soomaali yihiin ayaa soo gaartay isla jasiirada Lampedusa. Waxaana dadkaasi ka mid ahaa saddex dumar ah, saddex caruur iyo cunug muluq ah. Xeebaha gobolka kale ee la yiraahdo Calabria waxaa ku soo caariday doon nooca kalluumeysiga ah oo ey la socdeen ka badan 200 oo Kurdiyiin ah. Boqolaalkaasi muhaajiriin oo naftooda ku soo biimeyey doonyo bolol ah oo bakhtiyaa nasiib ah ee soo gaaray xeebaha talyaaniga waxaa la kala geeyey xeriyaha lagu hayo dadka bilaa sharciga, halkaasi oo lagu baari doono heybtooda iyo xaaladooda. Inkasto dawladda midig dhexe ee Talyaaniga ey soo saartay sharci mudnaanta kowaad siinaya in tallaabo adag laga qaado soo galowga bilaa sharciga, ayaa haddana waxaa isdhimi là muhaajiriinta bilaa sharciga ah ee iskudeyeysa inay soo galaan dhulka Talyaaniga. Waxaana la qabaa in dadkaasi badankooda ey ka soo tahriibaan xeebaha waqoyiga Afrika. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |