| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 01.06.2003 - 15:03 Wakhtiga London
Axmed Kismayo - BBCOnline Wafdigii xaqiiqa-raadinta ee maalmahanba socodka ku marayay Soomaaliya ayaa Axaddii ka ambabaxay magaalada Bosaso oo ay yimaaddeen galinkii dambe ee maalintii Sabtida. Wafdigan oo ka koobnaa xubno ka kala socday Midowga Yurub, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xubno ka tirsan guddiga hubka dhigista waxa uu subaxnimadii Axadda Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed iyo xubno ay ka mid yihiin Cabdullahillahi Sh. Ismaacil, Hilowle Imaam Cumar, Max'ed Max'ud Guuleed iyo General Max'ed Siciid Xirsi Morgan. Cabdullahi Yusuf Axmed oo kulankii saaka ka hadlay ayaa u sheegay guddigan xaqiiqa raadisaka ah inuu aad u soo dhowaynayo arrinta ku saabsan hub-ka-dhigista Somaliya isla markaana uu oggol yahay in ciidamo shisheeye ah oo hawshaas fuliya la keeno Somaliya sida uu ii sheegay Wakiil Ku-xigeenka Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdishakuur Mire. Waxa uu intaas ku daray Cabdullahi Yusuf in ciidamada Puntland ay diyaar u yihiin inay ka qaybgalaan hawshan hub-ka-dhigista isagoo intaa raaciyay inaysan jirin dawlad uu ka horjeedo inay ka qaybgasho barnaamijka hub-ka-dhigista ee laga fulinayo Somaliya. General Masobe oo u dhashay dalkaasi Kenya isla markaana ahaa madaxa guddigan oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhoweeynayo heshiiskii dhowaan magaalada Bosaso ku dhexmaray maamulka Puntland iyo mucaaradkii ka horjeeday. Waxa kaloo uu sheegay Jananku in ujeeddada socodka ee wafdigiisu yahay in uu u kuurgalo sida uu u hirgalay heshiiskii xabbad joojinta ee ay hogaamiyayaasha Somalida ku saxiixeen shirka Kenya iyo inuu daraasad ku sameeyo sida hub-ka-dhigis looga hirgalin karo Somaliya. Intaa ka dib waxa guddiga loo gudbiyay qoraal ay wadajir u saxiixeen Madaxweynaha Puntland Cabdullahi Yusuf Axmed, Cabdullahi Sh. Ismacil, Hilowle Imam Cumar, Max'ed Max'ud Guled iyo Jeneral Morgan. Waxa uu qoraalkan ku saabsanaa mowqifka siyaasiyiintan ee ku saabsan barnaamijka hub-ka-dhigista Somaliya iyo talooyin kale oo isla arrintan la xiriirta oo ay soo jeediyeen. Arrimaha muhimka ah ee uu qoraalkan xambaarsanaa ayaa waxa ka mid ahaa in hub-ka-dhigista Somaliya aysan la jaanqaadi Karin duullaanada iyo kooxaha doonaya inay xoog ku qabsadaan ama ku haystaan degaanada dadka kale sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in arrimahas meesha laga saaro marka hore. Waxa kaloo uu soo jeedinayaa qoraalkan in hub-ka-dhigistu ay mar kaliya ka wada hirgasho dalka oo dhan, isla markaana meelo cayiman iyo mashaariic dhaqan celineed loo sameeyo malleeshiyooyinka hubaysan iyo weliba in hubka noocyadiisa oo dhan dadka laga dhigo. Arrimaha kale ee ay qoraalkan ku soo jeediyeen siyaasiyiintan waxa ka mid ah in lagama maarmaan loo arko in Somaliya la keeno ciidamo faragalin iyo nabad-xoojin oo caalami ah safka horena ay kaga jiraan dalalka ku jira ururka IGAD. Malleehiyooyinka aadka u hubaysan ee ay leeyihiin ganacsatada,kuwa hay'adaha samafalka iyo kuwa madaxa bannaan ee ka jira Somaliya ayaa qoraalku ku talinayaa in lagu daro hub-ka-dhigista. Ugu dambayntii waxa ay hogaamiyeyaashani soo jeediyeen in meelaha uu qasku ka jiro oo ay ku tilmaameen laga bilaabo muqdisho ilaa xuduudaha Kenya iyo Itobiya laga hormariyo qaybaha kale ee Somaliya ee ay nabaddu ka jirto waa sida ku cad qoraalka'e. Marka la soo ururiyo waxa madaxda qoraalkan saxiixday aad ugu wayn in nabadayn lagu soo dabbaalo Somaliya ay shardi u tahay sida uu caalamku ugu soo jeesto hub-ka-digista Somaliya iyadoo waliba hirgalinta arrinkaas loo adeegsanayo ciidamo shisheeye ah. Guddigan xaqiiqa raadiska ahi waxa uu isla manta ka ambabaxay magaalada Bosaso isagoo ku sii jeeda dalkaasi Kenya hase ahaatee sii maraya magaalada Gaalkacyo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |