BBC Online Network BBC Home Page BBC News (in English) BBC Sport (in English) BBC World Service (in English) Nagala Soo Xirir | In English
Laanta Soomaaliga
Waxbarashada
Baro Ingiriisika
Taarikhda
Nagala Soo Xirir
Warsidaha BBC
In English
Barnaamijyada
Mawjadaha
11:00 GMT
14:00 GMT
18:00 GMT
greatlakes
swahili
french africa
arabic
brasil
hausa
portuguese
somalia
World Service
learning english

Sabti, 31.05.2003 - 17:24 Wakhtiga London
Dowladda KMG-ka oo soo afjartey khilaafaadkii ka dhexjirey
Cabdiqaasim Salaad Xassan
Cabdiqaasim Salaad Xassan

Xassan Barise - BBCSomali.com

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ballaaran oo ay ka qeybgaleen inta badan xubnaha labada gole ee dowladda KMG ah, Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada, xafladdaasoo looga dan-lahaa in dadweynaha Soomaaliyeed loogu muujiyo in uu dhammaaday khilaafkii u dhexeeyey madaxda sare ee dowladda KMG ah ayaa waxaa warbixintan halkaasi inooga soo diray weriyeheenna Muqdisho, Xasan Barise.

Xafladdan oo qado-sharaf ahayd ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ra'iisal wasaaraha dowladda KMG ah, Xasan Abshir Faarax, iyo madaxweynaha, Cabdiqaasim Salaad Xasan, kuwaasoo markii ugu horreysay maanta meel fagaare ah ku kulmay tan iyo intii ay billowdeen khilaafaadkii madaxda sare ee dowladda gaar ahaanna saraakiishii hoggaaminaysay xubnaha shirka Kenya uga qeybgelaya dowladda iyo madaxweyne Cabdiqaasim.

Xafladdan oo si sare loo soo agaasimay isla markaana lagu qabtay gurigii hore ee Cabdiqaasim xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ayaa ulajeeddada laga lahaa ay ahayd in labada gole horta mar la wada kulmiyo iyadoo munaasabaddana looga faa'ideysanayo in labada gole loo muujiyo in uu dhammaaday khilaafkii madaxda sare ee dowladda, kaasoo inta badan hareynayey kulamada kalfadhiga golaha baarlamaanka tan iyo intii uu billowday kal-fadhigan shanaad.

Ra'iisal Wasaare, Xasan Abshir Faarax, oo munaasabaddaasi ka khudbadeeyey ayaa soo bandhigay qoraal ilaa saddex bog ka kooban oo uu uga hadlay waxqabadkii xubnaha dowladda uga qeybgelayey shirka kooxaha Soomaalida ee Kenya, dhibaatooyinkii lala kulmay iyo siyaabihii looga gudbay, iyadoo Xasan Abshir uu halkaasi ka muujiyey sida ay xubnaha dowladda mar kasta ugu mintideen hadafkii loo asaasay dowladda KMG ah doorashadii shirkii Djibouti kaddib iyo sidii looga miro-dhalin lahaa shirka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, Xasan Abshir waxa uu tilmaamay in uu jiray khilaaf aan weyneyn oo uu ku eedeeyey warbaahinta in ay buun-buunisay, isla markaana ay dadka qaar isku dayeen in ay ka faa'ideystaan isagoo xusay Colonel Cabdullaahu Yuusuf Axmed oo ku tilmaamay dowladda mid aananba jirin, wuxuuna sheegay in hadda dhammaan khilaafaadkaasi laga soo gubday.

Xasan Abshir Faarax oo dalka ku soo laabtay shan maalmood ka hor ayaa kulamo ay albaabbada u xiran yihiin labo-jeer la yeeshay madaxweynaha dowladda KMG ah, Cabdiqaasim Salaad Xasan, halkaasoo la rumaysan yahay in ay wax badan oo ay isku maandhaafsanaayeen isku fahamsiiyeen.

Soo noqoshada Xasan Abshir Faarax ee Muqdisho nafsad ahaanteeda ayaa loo arkaa in ay ku timid tanaasul ka yimid dhinaca xubnaha dowladda ee ka qeybgelayey shirka, iyadoo Cabdiqaasim-na haatan la soo gaaray xilligii uu muujin lahaa qeybtiisa tanaasulka.

Sidaasi darteed, Cabdiqaasim Salaad Xasan, madaxweynaha dowladda KMG ah, waxa uu maanta xafladdaasi qado-sharafka ahayd ka sheegay in ay dhammaadeen wixii khilaafaad ahaa haddiiba ay jireen wax khilaaf lagu tilmaami karo.

Cabdiqaasim Salaad Xasan waxa uu ku dhawaaqay in uu maalintii Khamiistii ahayd ee dorraad madaxweynaha dalka Kenya, Mr Mwai Kibaki, uu ka helay casumaad rasmi ah, sidaasi darteedna uu tegayo Kenya, isla markaana boqanayo shirka ka Soomaalida ee Mbegathi, laakiinse uusan ka mid noqon doonin xubnaha amaba ergada shirka, ee laakiin wafdiga dowladda KMG ah ee hadda jooga Nairobi ee uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka, Cabdalla Deerow Isaaq, uu yahay wafdiga rasmiga ah ee dowladda ee shirkaasi.

Cabdiqaasim waxa uu sheegay in uu la kulmi dooni madaxweynaha Kenya, masuuliyiinta IGAD, safaaradaha Kenya jooga iyo weliba ururrada Soomaaliyeed iyo shacabka.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdiqaasim ma sheegin xilliga uu tegyo Kenya, hase yeeshee afhayeenka dowladda KMG ah ahna wasiirka warfaafinta, Cabdiraxmaan Ibbi, ayaa si hoose iigu sheegay in uu madaxweynuhu u ambabixi doono shirka Kenya toddobaadka soo socda isagoo hoggaaminaya wafdi ballaaran.

Warar maqal ah
Barnaamijyada

Wararka iyo Arrimaha Taagan / Baafinta / Waraysiyo
Barnaamijkii 14:00

Wararka iyo Arrimaha Taagan
Barnaamijkii 18:00
Wararka ugu Waaweeyn
Weeraro lagu qaadey agagaarka Baqdaad
Iran oo Nuclear lagu waayey
China iyo Mareykan oo heshiis ganacsi galay
Xarunta Talyaaniga Nasiriyah oo la qarxiyay
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Iran oo sheegtey iney heysato Plutonium yar
Ma ogtahay in Boggan BBCSomali.com maanta lagu bedalayo mid cusub?
Taariikh nololeedkii Cabdiraxman Tuur oo geeriyoodey
Siyaasadda dalka Sri Lanka oo cakiran
Somalia:deganaasho ku soo laabatey Tuulada Xaramka
Falstiin oo ka shireysa dhismo dowladeed
Mareykanka oo aan Charles Taylor cafinin
Nin ka mid ah ergeda Soomaalida oo Nairobi ku dhintey
Xaaladda Xuquuqda Aadamaha ee Masar

NAGALA SOO XIRIIR
Email: somali@bbc.co.uk
Qoraalka Noo soo Dir:
BBC Somali Service, 116 CB Bush House, PO Box 76, Strand, London, WC2B 4PH
Tel: + 44 020 7557 1631

Fax:+ 44 020 7497 1374
^^Kor igu celi
   Laanta Soomaaliga
  Laanta Soomaaliga | Waxbarashada | Baro Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha
  © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK.