| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Jimce, 30.05.2003 - 10:15 Wakhtiga London
Xasan Bariise - BBCsomaliOnline Waxa uu dagaal xooggan Khamiistii ka dhacay tuulada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasoo ay isku hardiyeen maleeshiyooyin beeleedyo soo kala horjeeda. Ugu yaraan 18 qof ayaa dhimatay, labo kalena wey dhaawacmeen ka dib markii maleeshiyo caga-cagaynaysa ilaa boqol nin oo si weyn u hubaysan isla markaana la socda ilaa toddoba baabuur oo kuwa dagaalka ahi ay weerar ku qaadeen tuulada Raage Ceelle oo ilaa 90km dhinaca Woqooyi-bari ka xigta magaalada Muqdisho aroornimadii hore ee Khamiista. Dagaalkan ayey sida ay wararku sheegayaan tuuladaasi ku soo qaadeen maleeshiyo ka amar-qaadata hoggaamiye kooxeedka Maxamed Cumar Xabeeb, Maxamed Dheere, oo isagu gacanta ku haya maamulka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halka tuulada Raage Ceellena ay ku sugan yihiin maleeshiyooyin si weyn siyaasad ahaan uga soo horjeeda maamulka Maxamed Dheere ee gobolkaasi. Engineer Axmedey Sheekh Xasan oo u hadlay dhinaca maleeshiyadii joogtay Raage Ceelle ayaa ku eedeeyey Maxamed Dheere in uu duullaan qaawan ku soo qaaday tuuladaasi isagoo buu yiri ujeeddada keliya ee uu ka leeyahay ay tahay in uu ballaarsado dhulka uu ka taliyo ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Engineer Axmedey Sheekh Xasan waxa kaloo uu ku eedeeyey maleeshiyada Maxamed Dheere in ay tuulada Raage Ceelle dhibaato baaxad leh u geysteen oo bur-bur iyo bililiqoba leh, isagoo qirtay in dhinaciisa laga qaatay labo baabuur oo kuwa dagaalka ah, iyadoo dadka tuuladaasi lagu dilayna marka laga reebo hal nin ay inta kale oo ah 17 qof ahaayeen shacab aan hubaysnayn sida uu hadalka u dhigay. Engineer Axmadey Sheekh Xasan waxa uu sheegay in ay warqad dacwo ah u gudbiyeen wafdiga Xaqiiqo-Raadiska oo hadda booqanaya Soomaaliya eegayana xad-gudubyadii loo geystay heshiiskii joojinta colaadaha ee ay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ku saxiixeen magaalada Eldoret ee dalka Kenya dabayaaqadii sannadkii hore. Waa markii labaad ee ay labadan dhinac ku dagaallamaan isla deegaankaasi ilaa intii heshiiskaasi la saxiixay iyadoo markii horena ay ahayd 3-dii bishii Maarso ee isla sannadkan goortaasoo la dilay dad ka badan 11 qof oo laakiin maleeshiyooyinkii dagaallamayhey u badan, waxana ay dagaalladan soo noq-noqnaya u muuqdaan kuwo si weyn ugu raad-leg xagga siyaasadda iyo gacan-ku-haynta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo dagaalkan ku saabsan oo ka yimid dhinaca Maxamed Dheere, kaasoo marka uu dagaalkan qarxayo wax 24-saac ka yar ka hor uun ku soo noqday dalka, waxana uu kulamo la yeeshay hoggaamiye kooxeedka ay isku beesha yihiin ee Muuse Suudi Yalaxow arrimo ku saabsan shirka hadda gebagabada ku dhow ee kooxaha Soomaalida uga socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Tuulada Raage Ceelle ayaa lagu soo warramayaa in ay haatan deggan tahay, inkastoo ay xiisad ba'ani ka jirto degaanka oo dhan, mana jirto ilaa iyo hadda cid isku hawshay joojinta colaaddan oo ah mid soo noq-noqotay, waxaana muuqata in duqeyda xagga dhaqanka ay ka gaabsanayaan faragelinta dagaallada ku raadka leh xagga siyaasadda, hase yeeshee xitaa wax siyaasad ahaan u farageliya amuurtan weli lama hayo. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |