| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 22.05.2003 - 17:28 Wakhtiga London
Axmed Siciid Cige - BBCOnline Biyo yaraan xoog leh ayaa ka taagneyd dhawrkii maalmood ee u danbeeyeyba magaalada Hargeysa . Afartii maalmood ee u danbeeyeba waxay dadweynaha ku nool xaafadaha magaalada Hargeysa la legdamayeen dhibaatada biyo la'aanta oo aad usoo noqnoqotay sannadahan danbe. Beryahan danbeba waxaa jirtay in biyuhu ay kaltan ahaayeen oo xaafadaha magaalada kolba xaafad loo soo daayo iyado ay biyuhu ka maqnaadaaan xaafadaha qaarkood maalmo. Hase yeeshee afartii maalmood ee u danbeeyay arrintu way ka sii dartay oo waaba la waayay biyihii, marka laga reebo meelaha taangiyada keydka weyn leh oo iyana hadda gabaabsi ah. Maanta waxaan ku arkay xaafado kala duwan oo magaalada ah dadkii oo ku wada fooggan biyo dhaamis oo wada laalaadsanaya jirikaannada biyaha, qaar hela iyo kuwo waayaba. Waxaan arkay gawaadhi kuwo yaryar iyo kuwo waaweynba oo weelkii biyuhu xagga danbe u saaranyihiin oo ama biyo lagu soo dhaamiyay ama lagu raadinaayo. Dadkaasi nooc walba way isugu jireen , waxaan arkay mudanayaal baarllamaanka ah, dumar, dhallinyaro iyo aqoonyahan. Waxaana la ii sheegay in xaafadaha ku yaalla godanka ee magaalada Hargeysa ay xalay niskii danbe woxoogaa biyo ahi u soo dhaceen . Maareeye kuxigeenka Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Axmed Ismaaciil Jaamac oo aan saaka ugu tegay xafiiskiisa ayaa wuxuu ii sheegay in cillad farsamo ay ku timid mishiinnada qaarkood oo maareeyihii wakaaladda iyo enjinneeradiiba ay maalmahanba ku maqnaayeen halka ay yaallaan mishiinnada ee Geed Deeble oo 30km dhinaca waqooyi ka xigta magaalada. wuxuu sheegay in dhakhso loo helaayo biyaha. Sannadahan danbe waxay ahayd dhibaatada biyo la'aantu mid ka taagneyd Hargeysa, waxayna ku sababeeyaan badanaa masuuliyiinta dawladdu magaalada oo aad u fidday iyo dadkii oo batay. Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa Cumar Maxamed Xanddulle BOOBE oo u warramayay Arbacadii weriyayaasha, wuxuu u sheegay in hay'ad lagu magacaabo AFRICAN SEVENTY ay bisha Julay kowdeeda bilaabi doonto mashruuc in badan la sugaayay oo lagu ballaadhinaayo biyaha Hargeysa, kaasoo uu sheegay inay ku bixi doonto laba milyan oo ah lacagta EURO-ga. Mr. Boobe wuxuu sheegay in mishiinnada yaalla Xarunta Biyaha ee Geed Deeble la isku wada xidhi doono dab-dhallintooda, iyadoo haatan 12ka mishiin ee kala saaran 12ka ceel uu mid waliba goonnidiisa u taaganyahay oo uu shidaal badani ku baxo. Maareeyaha Guud wuxuu kaloo sheegay in dhuun saddexaad oo weyn oo biyaha ah la sameyn doono, haamo keyd ah oo waaweyn, mishiinno casri ah, iyo nidaam telifoon oo ceelasha kala durugsan wada xidhiidhiya, taasoo uu sheegay in biyuhu ay noqon doonaan kuwo magaaladu hesho 24ka saacadoodba. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |