| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Arbaca, 21.05.2003 - 10:03 Wakhtiga London
Hay'ada Cunnada Adduunka ee FAO iyo Ururka Midowga Yurub warbixin ay soo saareen bishan May ayaa waxay ku sheegey in daadad ka dhashey wabiyada Jubba iyo Shabeele in ay khatar ku hayaan amaanka xagga cunadda ah ee dadka ku nool koofurta Soomaaliya. Waxayna sheegeen in meelaha dhibaatooyinku ay soo gaareen in ay ku jiraan deegaanada Jowhar , Qoryooley, Marka iyo Kurtunwaarey. Daadadka ayaa soo rogmadey ka dib markii roobab waaweyn ay dhowrkii todobaad ee la soo dhaafey ay ka da'een dhulka sare ee Etoobiya iyo Soomaliya. Warbixintu waxay sheegtey in beeraleydu ay xaaladda sii xumeeyeen ka dib markii kilimo ay ka qodeen wabiyada jiinkooda si ay beeraha ugu waraabsadaan, ay sii kordhiyeen khatarta ah in wabiyado ay aad u sii fatahaan. Wararku waxay intaa ku darayaan ilaa iyo laga soo bilaabo waxii ka danbeeyey markii ay burburtey dowladdii Soomaaliya 1991dii in aan wax dib u habeyn ah laguma sameyn kanaalada iyo faraha ku dhow dhow wabiyada. Warbixintu waxay kale oo ay sheegtey in loo baahan yahay in wax laga qabto qashinka wabiga guntiisa fadhiya iyo kuwa jiinka wabiga si loo yareeyo saameynta ay yeelan karaan daadadkan dhibka weyn geystey. Dhanka kale, Quoc Nguyen, oo ah Madaxa Hay'ada Qaramada Midowbey ee UNICEF ayaa sheegey in dadaad ka dhacey koofurta Itoobiya in ay dileen 119 qof, boqol iyo toban kalena ay ku qasbeen in ay baro Kacaan. Waxaa uu intaa ku darey in xaaladdu ay ka sii dareyso iyadoo cuduro halkaa ka bilowdey ay iyana saameyn ku yeesheen dadka ay daadadku dhibka u geysteen. Waxaa uu sheegey in cudurada hadda dilaacey in ay ka mid yihiin cudurada neefmareenka iyo Shubanka. Shaqaalaha badbaadinta ayaa lagu soo waramayaa in ay doomo iyo diyaarado isticmaalayaan si ay isugu dayaan in ay gaaraan guryaha ay daadadku go'doomiyeen. Hay'adda Qaramada Midowbey ee UNICEF ayaa dadka u qeybineysa daawooyin, cunno iyo qalab biyaha lagu nadiifiyo oo ay ka soo dajisey dalka Jabuuti. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |