| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 20.05.2003 - 13:32 Wakhtiga London
Axmed Saciid Cigeh - BBCSomali.Com Wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyda la magac baxdey Somaliland, Ismaaciil Aden Cusmaan ayaa shir jaraa'id oo uu galabta ku qabtay xafiiskiisa magaalada hargeysa wuxuu faah-faahin kaga bixiyay rasaas xalay la isku weydaarsaday hargeysa, ciidamo badan oo magaalada xalay la soo geliyay, iyo dad xalay iyo maanta lagu xidh-xidhay magaalada Hargeysa. Wasiirka arrimaha gudaha, Ismaaciil Aden Cismaan wuxuu uu BBCda u sheegey galabta isagoo weriyayaasha la hadlaayay, in -waa siduu hadalka u dhigaye- dhallinyaro qeyru-masuul aheyd oo rebshed sameynaayay oo qaarkoodna ay hubeysnaayeen ay xalay galeen meel ku aaddan galbeedka magaalada, dabadeedna ay boliisku ku baxeen . Wasiirku wuxuu intaa ku daray in dhallinyaradaasi oo gaareysa ilaa soddomeeye ay ciidanka boliiska rasaas isweydaarsadeen muddo cabaar ahayd, iyadoo uu sheegay in qaarkood iyo gawaadhi boliisku ay gacanta ku dhigeen isla xalay, kuwo kalena ay magaalada dib ugu soo dhuunteen, laakiin lagu dabo jiro ayuu yidhi, Ismaaciil Aden Cismaan wasiirka arrimaha guduhu. Wuxuu kaloo caddeeyay in 7 dhallinyaradaasi ka mid ah ilaa iyo haatan la xidhay. Wuxuu sheegay inaanay jirin cid ay ku eedeynayaan in ay dhallinyaraasi ka danbeysay, falkaasina baadhistiisu uu socdo. Magaalada hargeysa ayaa xalay si aan caadi aheyn fiidkiiba waxaa waddooyinka iyo isgoysyada la dhigay ciidamo fara badan oo joojinaayay gaadiidka, kana dhigayay dadka, iyagoo u fiirsanaayay rakaabka. Maantana waxaa laga qabtay hotel ming-sing saddex dhallinyaro ahaa oo midkood uu ka mid yahay saraakiisha wasaaradda maaliyadda. Waxaan kaloo kula kulmay saldhiga dhexe ee boliiska maanta duhurkii nin dhallinyaro ahaa oo markaasi la soo qabtay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |