| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 15.05.2003 - 09:07 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBCOnline Iyadoo ay halkii ka sii socoto fatahaaddi webiga Jubba ee gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa haddana fatahaad cusub billaabay webiga Shabeelle, gaar ahaanna meelo ka mid ah gobolka Hiiraan. Sida lagu helayo wararka xagga talefoonnada ee magaalada Beledweyne waxa ay socotaa fatahaadda webiga Shabeelle muddo hadda toddobaad ku dhow. Sida uu sheegay Xasan Hilowle Cismaan oo loo yaqaanno Xasan Kacaan oo ka tirsan masuuliyiinta gobolkaasi Hiiraan waxay hadda dhibaatada ugu darani tahay barakac ku yimid boqollaal qoys oo deggenaa meelo kala duwan oo magaalada Beledweyne ka tirsan. Waxa wararku shegayaan in uu webigu so jabsaday oo ay biyihiisu ku soo fataheen Dhagax Jebis, qeybo ka mid ah degmada Hawlwadaag, gaar ahaan deegaanka ku dhow xannaannada xoolaha, ADC-dii hore, halka loo yaqaanno Ku-Tiimbo oo ka tirsan xaafadda Xaawo Taako iyo meelo kale. Waxa kale oo wararku intaas ku darayaan in dadka ilaa iyo hadda ku barakacay fatahaaddan ay dhan yihiin ilaa iyo 450 qoys, kuwaasoo aan haysan hoy, cunno iyo dawo midna, iyadoo aanayna ilaa iyo hadda jirin cid haba yaraatee u gurmatay dadkaasi, haddii ay ahaan lahaayeen hay'ado samafal amaba dadka caadiga ah ee wax haysta ee gobolka. Duqeyda reer Beledweyne waxaa kaloo ay ii sheegeen in hadda ay cabsi weyn ka qabaan dhinaca woqooyi ee magaalada iyo degmooyinka kale ee Buulo Burte iyo Jalalaqsi, kuwaasoo ilaa iyo hadda aanay weli fatahaaddu ka dhicin. Waxa akle oo wararku intaas raacsheen in ay jiraan dul heehaabayaan dermooyin iyo agab kale oo muujinaya in uu hore u soo jiiray ugu yaraan tuulo ama meel reer miyi deggenaa, laakiinse aanay iyagu ilaa iyo hadda ka war helin halkii uu dermooyinka ka soo qaaday webiga. Cabdiwahaab Cabdullaahi Oomaar oo ka tirsan waxgaradka magaalada Beledweyne ayaa isagana ii sheegay in inkastoo ay weli fatahaaddu socoto ay haddana soo muuqanayso rajo wanaagsan oo ah in ay fatahaadduu joogsanayso, waayo buu yiri waxaa ilaa Arbacadii hoos u sii dhacayey heerka biyaha ee webiga, taasoo calaamad u ah in haddii ay biyaha webigu yaraadaan aanay jiraynin meelo cusub oo looga qaxo fatahaadda dambe. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |