| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Talaado, 13.05.2003 - 09:31 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBCSomali.Com Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo ka socda qeybo kala duwan oo Qaramada Midoobay ka tirsan, kuwaasoo u kuurgelaya siyaabaha dib loogu suurtogelin karo dhoofintii xoolaha Soomalida ee joogsatay muddo hadda laga joogo saddex sano. Wafdigan oo ka kooban shan xubnood oo kala socda hay'adaha UNDP iyo FAO oo uuna hoggaaminayo Mr Maxwell Gaylard oo ah isu duwaha deeqada Soomaalida ayaa ujeeddada socdaalkooda uu la xiriiraa dadaal la doonayo in dib loogu soo nooleeyo dhoofintii xoolaha Soomaalida oo la joojiyey bishii Septemeber sannadkii 2000 kaddib markii waddamada Geeska Afrika oo dhan lagu sheegay in uu xoolahooda ku dhacay cudurka Xummadda Rift Valley. Xafiisyada UNDP iyo hay'adda Cunnada u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO waxay soo dhoweeyeen tallaabo ay hormood ka yihiin Golaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay waddanka Imaaraadka Carabta magaalada Dubai oo lagu sameynayo laguna horumarinayo urur guud oo xoolaha Soomaalida qaabilsan oo gacan ka geysta horumarinta iyo dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed iyo waxyaabaha ka soo baxa. Shir ka dhacay magaalada Dubai 29-kii April ilaa 1-dii May oo ayna si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Golahaaasi Ganacsatada Soomaaliyeed, wakiillo ganacsato Soomaaliyeed oo xagga ganacsiga xoolaha iyo hilibka ah, wakiillo ka socday dowladda KMG ah iyo maamullada Somaliland iyo Puntland iyo wakiillo ka socday waddamada loo dhoofiyo xoolaha Soomaalida ee Bariga Dhexe ayaa lagu soo talo jeediyey sameynta Guddi Qaabilsan Xoolaha Soomaaliyeed si uu u nidaamiyo wax soo saarka xoolaha iyo hab horumarsan oo lagula socdo cudurrada xoolaha, baaritaankooda iyo sharciyeyntooda gaar ahaanna kuwa la dhoofinayo. Mr Maxwell Gaylard oo war saxaafadeed ka soo saaray Muqdisho maanta ayaa sheegay in dadaalkani dhinaca xoolaha Soomaalida uu muhiim u yahay dib u soo noolaynta dhaqaalaha Soomaalida taasoo weliba si isku mid ah u taabanaysa reer magaalka iyo reer Miyigaba, wuxuuna intaasi ku daray in hay'adaha UNDP, FAO iyo WHO ee Qaramada Midoobay iyo weliba Bangiga Adduunkuba ay ka go'an tahay in ay gacan ka geystaan in uu guulaysto habkani dib loogu soo noolaynayo dhoofintii xoolaha Soomaaliyeed. Mr Maxwell Gaylard iyo wafdigiisuba waxay duhurnimadii maantaba la kulmeen masuuliyiinta wasaaradda xannaannada xoolaha ee dowladda KMG ah, iyagoo berritona u kicitimaya dhinaca is-maamul goboleedka Puntland maalinta ku xigtana Somaliland si buu yiri Mr Gaylard ay dhammaan masuuliyiinta Soomaaliyeed qeyb uga noqdaan dadaalkan cusub ee lagu soo noolaynayo dhoofintii xoolaha Soomaaliyeed.. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |