| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 01.05.2003 - 03:29 Wakhtiga London
Waxaa magaalada Muqdisho haatan dib uga furmay kal-fadhigii shanaad ee Golaha Baarlamaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoona uu shir guddoominayo Maxamed Cabdi Yuusuf oo ah ku-xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya. Haddaba, furriinka kal-fadhigan iyadoo ayna soo baxayaan khilaafaad xagga siyaasadda ah ee u dhexeeya madaxda sare ee dowladda KMG ah, madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaankaba waxaanu warbixintan ku eegaynaa macnaha kal-fadhigan. Kal-fadhigan golaha baarlamaanka ee maanta uun hawshooda billaabay ayaa waxaa uu durbaba ku-simaha guddoomiyaha baarlamaanku soo bandhigay ajendayaasha kal-dhigan lagaga hadlayo, waxaana uu mudanayaasha u akhriyey in ay ka mid yihiin dib u eegista qodobbo ka mid ah Axdiga KMG ah ee Qaranka, Qiimeynta Shirka Kenya iyo ergada dowladda KMG ah uga qeybgelaysa shirkaasi, in lala xisaabtamo xukuumadda iyo qoraallo uu madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan u soo gudbiyey baarlamaanka oo mudane kastana nuqul ka mid ah la siiyey. Kal-fadhigani oo maanta ay fadhiyeen 137 mudane oo keliya waxa uu billaabanayaa xilli uu mad-madaw muuqda soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sar-sarreysa dowladda KMG ah, gaar ahaanna Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ah madaxweynaha, Xasan Abshir Faarax oo ah ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka Cabdalle Deerow Isaaq iyadoo weliba labada masuul ee Xasan Abshir iyo Cabdalle Deerow ay ku maqan yihiin shirka dalka Kenya uga socda kooxaha Soomaalida. Qoraallada Madaxweynaha ee mudaneyaasha loo qeybiyey isla markaana la siiyey 24-saac in ay uga soo baaraandegaan waraaqahaasi iyo ajendeyaasha kal-fadhiga oo u muuqda wax is-wada khuseeya waxaa uu qoraalkaasi ka kooban yahay afar warqadood oo mid uu qoray madaxweynaha iyo mid ay qoreen golaga wasiirrada oo ay si toos ah ugu yeerayaan labada masuul ee Cabdalle Deerow Isaaq iyo Xasan Abshir Faarax in ay dalka dib ugu soo noqdaan arrimo wada tashi dartood, iyo warqad saddexaad oo uu misana madaxweynaha qoray oo uu labadaasi masuul iyo dhammaan xubnaha wafdiga rasmiga ah ee dowladda KMG ah ee shirkaasi ka qeybgelaya in ay ku dhaqmaan go’aanka golaha wasiirrada iyo warqadda afraad oo iyana guddoomiyaha baarlamaanka loogu sheegayo in si gaar ah loo qiimeeyo heerka shirka Kenya uu marayo. Haddaba, marka la dhegeysto hadalladii beryahanba ka soo yeerayey labadaasi masuul ee dalka dib loogu yeerayo in ay ku soo noqdaan waxaa kuu soo baxaysa in uu jiro farqi siyaasadeed oo aad u weyn oo u dhexeeya madaxweynaha iyo labadaasi masuul Cabdalle Deerow iyo Xasan Abshir. Labadan masuul waxay ku cel-celiyeen in aanay ka soo tegaynin shirka ilaa ay ka miro dhaliyaan si ay u soo baxdo waxa loogu yeero dowlad loo dhan yahay oo ay Soomaaliya yeelato. Khilaafka masuuliyiintan waxa uu gaarsiisan yahay in xitaa waraaqo loo kala qor-qoro goobaha ay lacagaha ka hesho dowladda KMG ah oo aanan la kala qarsanayn. Xasan Abshir Faarax waxa uu idaacaha gudaha dalka u sheegay in uu xitaa wasiirkii maaliyadda u beddelay wasaaradda xannaanada xoolaha si aanu u awoodin in uu lacag ku soo qaado magaca dowladda, laakiin haddana waxa uu muujiyey Xasan Abshir in qoraalkiisaasi aanu shaqeynin ee lacagtii uu diidayey in la soo qaado la soo qaaday sida uu hadalka ugu sheegay idaacadaha gudaha ee Muqdisho. Haddaba, xilligan oo uu jiro khilaafkaasi aadka u weyni ayey dad badani is-weydiinayaan maxaa keenay in la isugu yeero in uu shiro golaha baarlamaanka oo ku simaha Maxamed Cabdi Yuusuf uu shir guddoomiyo isla markaana laga hadlo qodobbo xasaasi ah sida in wax laga beddelo qodobbo ka mid ah axdiga qaranka inkastoo aanan la sheegin kuwa ay yihiin, laakiin haddana dad baa qiyaasaya in ay yihiin kuwa ku taxalluqa dheereynta muddada xilka ee goleyaasha dowladda iyo madaxweynaha intaba iyo weliba qodobbada awood ka qaadista qaar ka mid ah masuuliyiinta oo ay tahay in la fududeeyo si loo heli karo ra’iisal wasaare cusub iyo guddoomiye baarlamaan oo cusub. Laakiin, dadka siyaasadda indho-indheeya waxay ku doodayaan haddii xitaa loo kordhiyo xilka dowladda hadda jirta oo welibana laga beddelo ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka in aanay waxba taasi soo kordhin doonin oo aan ka ahayn jaho-wareer cusub oo siyaasadeed iyo in dowlad laga keenay Kenya iyo mid Xamar lagu sii sameeyey oo waqtiga loo sii kordhiyey ay iska hor yimaadaan, taasina ay keento ugu yaraan in aanan waxba u qabsoomin cidina waaba haddii laga badbaado dhiig sokeeye oo daata. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |