| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Axad, 27.04.2003 - 10:50 Wakhtiga London
Xasan Barise - BBC - Muqdisho Hey'ad u ololeeysa Deegaanka oo Muqdisho degen ayaa xus u sameysay maalinta Dhulka Adduunka, kana hadashay dhibaatooyinka lagu hayo Dhulka iyo deegaanka Soomaaliyeed. Maalintan dhulka ee adduunka ayaa u muuqata mid ay hay’adaha deegaanku iyaguna uga faa’ideysanayaan in ay wax ka yiraahdaan dhibaatooyinka xagga dhulka iyo deegaanka Soomaaliya haysata. Koox ka tirsan hay’adda Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Bad-baadinta Dhirta oo ay taakulayso hay’adda NOVIB ee dalka Netherlands oo dhowaanna socdaallo kala du-duwan ku soo maray meelo badan oo gobollada koofureed ee dalka ka tirsan ayaa wax laga naxo ku tilmaamay dhibaatada lagu hayo dhulka Soomaaliyeed iyo kheyraadkiisii dabiiciga ahaa. Maxamed Cilmi Sooyaan oo ka tirsan hay’addaasi isla markaana hoggaamiya kooxaha ka hawlgala Gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose ayaa ku tilmaamay wax laga naxo dhibaatada lagu hayo dhulka marka laga billaabo Kuunyo Barrow, Ariille, Maxaad Xaaji ilaa Badhaadhe ee ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegay in xaalufku uu hadda marayo meel laga argagaxo. Maxamed Cilmi Sooyaan oo Sabtidii saxaafadda kula hadlayey xafiiska hay’addaasi ee degmada Hodon ayaa u jeediyey isbahaysiga Dooxada Jubba in ay inta ay goori goor tahay wax ka qabtaan xaalufinta ku socota deegaanka ay sheegtaan in ay maamulaan iyo sidoo kalena dekedaha Kismaayo iyo nawaaxiga Muqdisho oo si ba’an looga dhoofiyo dhuxusha iyo ugaartii qaaliga ahayd ee Soomaaliyeed. Sooyaan wuxuu intaasi ku daray in dekedahaasi cel-celis ahaan ay bishiiba ka baxaan ilaa sagaal markab oo midkiiba uu sido in ka badan 100,000 oo jawaan oo u dhigata in ka badan 10,000 oo geed, haddii ay sidaasi ku socotana ay dhici karto in dalkaba laga waayo xoolo iyo dhir labaduba. Hay’adahan deegaanku waxay ammaan u soo jeediyeen Faarax Weheliye Caddow Sindiko oo isboortiga caan ku ahaa hase ahaatee haatan u muuqda mid u soo tafa-xaydanaya xagga siyaasadda kaasoo sheegay in haddii isaga masuuliyadda dalka loo dhiibi lahaa uu muhiimadda koowaad siin lahaa badbaadinta dhulka iyo deegaanka Soomaaliyeed ee uu xaalufka ba’ani ku socdo. Waxaa kaloo ay hay’addani ammaan u soo jeediyeen Wasaaradda Deegaanka ee Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland, waxaanay sheegeen in wasaaraddaasi ay meel la yiraahdo Gacan-Libaax oo ka tirsan nawaaxiga Hargeysa ay ku soo celiyeen noloshii qaar ka mid ah duur-joogtii hore ugu noolaan jirtay dhulkaasi, taasoo ay hay’adahani deegaanku ku tilmaameen mid ku-dayasho mudan. Xuska maalintan dhulka ee adduunka darteed waxay hay’adaha la dagaallanka xaalufinta deegaanku u soo jeediyeen ganacsatada, aqoonyahannada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda dalka jooga in ay xubno ka noqdaan ururka Maareynta Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Badbaadinta Dhirta si si wadajir ah loogu guntado ka hortagga burburka ku socda kheyraadkii ay Soomaaliya ku faani jirtay. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |