| Nagala Soo Xirir | In English | ||
|
Khamiis, 24.04.2003 - 10:55 Wakhtiga London
Xassan Barise - BBCSomali.com Inkastoo xilligii roobka ee Gugu uu si wanaagsan u billowday dhammaan gobollada dalka, haddana waxaanan weli is-beddel muuqda ku dhicin heerkii uu ku socday cudurka daacuun caloolaha oo inta badan billaaban jiray ka hor xilli roobaadkan, isla markaana dhammaan jiray marka uu roobku billowdo. Haddaba, weriyeheenna Muqdisho, Xasan Barise, ayaa eegaya sida uu hadda yahay xaaladda daacuunka, wuxuuna inoo soo diray warbixintan. Waxaa muuqata in aanu haba yaraatee xitaa hakad gelin sidii uu ku socday cudurkan daacuunka inkastoo uu si fiican u da’ay roobkii guga oo lagu yaqaannay in marka uu da’o uu joogsan jiray cudurkan daacuunka. Haddii aan tusaale u soo qaadanno isbitaalka Xayaat ee magaaladan Muqdisho, waxaa toddobaakan oo keliya la dhigay dad ka badan 105 qof oo u badan carruur ay da’doodu ka hooseyso shan jir sida uu ku warbixiyey Dr Cabdisamad Abuukar Xaaji oo ka tirsan dhakhaatiirta isbitaalkaasi. Cabdisamad waxa uu sheegay in dadkaasi carruurta u badan ee uu hayo cudurka daacuunka lagula tacaalayo wixii karaan ah oo dawooyin ah iyadoo UNICEF-na waxoogaa kaalmo ah laga helo, laakiin inta badan maaddaama uu isbitaalku yahay mid si gaar ah loo leeyahay uu isaga filan yahay xagga dawooyinka. Dr Cabdisamad waxa uu sheegay in inkastoo bukaankaa daacuunka ee soo gaaray isbitaalkooda toddobaadkan uu badnaa in haddana aanay jirin wax dhimasho ah oo ka dhacay isbitaalka gudigiisa marka laga reebo labo canug oo intii isbitaalka loo soo waday dhimatay, taasina waxa ay muujinaysaa buu yiri in weli heerka wacyi-gelinta dadku ay liidato. Dhibaatada ugu badan ee haysata isbitaalka Xayaat ayuu Dr Cabdisamad sheegay in ay tahay in hal canug oo qaba daacuunka ay isbitaalka doonayaan in ay la joogaan dad ku dhow labaatan qof oo reerkiisa ah taasoo keenaysa buu yiri in dadkaasi marka ay laabanaayaan ay qaarkood guryahooda ula noqdaan cudurkii oo sidaasi ay faafitaankii cudurku ku sii socoto, sidaasi darteedna waxa uu ku boorriyey dadweynaha in qofka bukaanka ah uu ku filan yahay hal qof oo la jooga kaasoo isagana loo sameyn karo in laga ilaaliyo in uu qaado jeermiskii daacuunka. Isbitaalka Xabeeb oo isagana ku dhow xaafadda suuqa xoolaha ayaa bukaankiisu uu ka duwan yahay kuwa Xayaat, wuxuuna Cabdiraxmaan Cali Cawaale oo kalkaaliye sare ka ah isbitaalkaasi uu sheegay in toddobaadkan oo keliya la jiifiyey isbitaalkooda 178 bukaan, kuwaasoo 131 ka mid ah ay yihiin dad waaweyn oo laga kala keenay degmooyinka Balcad, Wanleweyn iyo qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cali Cawaale waxa uu sheegay in aanay jirin cid cudurkan ugu dhimatay isbitaalkooda, laakiinse ay jireen dad ay dhibaato aad u ba’an ka soo mareen kuwaasoo qaarkood la siiyey ilaa 20 liitar oo faleebbo ah si loo soo fuuq-celiyo. Cabdiraxmaan waxa uu intaasi ku daray in toban qof oo ay tijaabo shuban ah ka qaadeen ay sagaal ka mid ah keeneen in ay qabaan daacuunka noociisa loo yaqaanno OGAWA. Ma ahan Muqdisho oo keliya meelaha lagaga cabanayo cudurkan daacuunka ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa iyadana sidoo kale ay dhibaatada cudurkani ka jirtaa. Dr Cabbaas Xasan Warsame oo ka mid ah dhakhaatiirta Baydhabo oo aan khadka talefoonka kula xiriiray maanta ayaa sheegay in ilaa 10 qof ay 48-dii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka daacuunka. Dr Cabbaas waxa uu intaasi ku daray in ilaa 30-meeyo kalena ay hadda u liitaan cudurkaasi, iyadoo isbitaalka magaaladuna aysan oollin wax dawooyin ah oo lagu tacaalo dadkaasi. Maxamed Cali Aadan Qalinle oo ah guddoomiyaha gobolka Bay ayaa isaguna walaac ka muujiyey xaaladda daacuunka ee gobolkiisa, isagoo sheegay in maalintii shalay ahayd ay shir la yeesheen ilaa toddoba hay’adood oo jooga Baydhabo bal in ay wax ka qabtaan dhibaatada jirta, hase yeeshee waxa uu ku tilmaamay joogitaanka hay’adahaasi ee gobolka in ay tahay mid siyaasadeed ee aanay ahayn mid samafal. Qalinle waxa kaloo uu sheegay in sida uu warbixinta ku helay magaalada Baydhabo gudaheeda ay ilaa xalay cudurka daacuunka ugu dhinteen shan ruux oo dad waaweyn iyo carruurba leh. |
|
|||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
| ^^Kor igu celi | |
| Laanta Soomaaliga | |
| Laanta
Soomaaliga |
Waxbarashada | Baro
Ingiriiska | Taarikhda
Nagala Soo Xirir | Barnaamijyada | Mawjadaha |
|
| © BBC World Service, Bush House, Strand, London WC2B 4PH, UK. | |